Erdogan Oo Ballan-qaad Cajiib Ah U Sameeyay Dadweynaha Turkiga

0
Friday April 21, 2023 - 14:12:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogan Oo Ballan-qaad Cajiib Ah U Sameeyay Dadweynaha Turkiga

    "Waxaan bixin doonnaa gaaska dabiiciga ah oo bilaash ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan bixin doonnaa gaaska dabiiciga ah oo bilaash ah"

 



Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa khamiistii u dabbaaldegay gaaska dabiici kii ugu horreeyay ee Turkigu ka helo marin xeebeedka kaydka ah ee Badda Madow, isagoo ballan-qaaday inuu siin doono gaaska dabiiciga ah oo bilaash ah qoysaska dalkaas, kahor doorashada 14-ka May.

 

Xafladan ayaa ahayd isku daygii ugu dambeeyay ee ay dowladu kusoo bandhigto mashaariicda tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee ku aaddan doorashada, taasoo ra'yi ururintu ay muujineyso in Erdogan uu lumin karo kadib labaatan sano oo uu xukunka hayay.

 

"Waxaan bixin doonnaa gaaska dabiiciga ah oo bilaash ah oo loogu talagalay isticmaalka qoyska muddo hal sano ah," ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay furitaanka deked gaaska dabiiciga ah oo ku taalla xeebta waqooyiga gobolka Zonguldak.

 

Turkiga oo leh shidaal iyo gaas aad u yar ayaa si weyn ugu tiirsan gaas iyo shidaalka laga keeno Ruushka, Azerbaijan, Iran, Qatar, Mareykanka, Nigeria iyo Algeria.

 

Doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaanka ayaa ah caqabaddii ugu weyneyd ee doorasho ee uu la kulmo hoggaamiyihii ugu cimriga dheeraa ee Turkiga, kadib markii sicir-bararku uu saameeyay taageerada loo hayo Erdogan.

 

Musharraxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa ku horreeya ra'yi ururint dadweynaha.

 

VOA


Loading...
Loading...