Xildhibaan Dhalkool Waxa uu u Garba duubanaa Madaxwayne Biixi oo Dastuurkii iyo Sharcigii Somaliland Xantoobsaday.

0
Sunday June 23, 2019 - 12:27:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Dhalkool Waxa uu u Garba duubanaa Madaxwayne Biixi oo Dastuurkii iyo Sharcigii Somaliland Xantoobsaday.

    Waxaa goor saq dhexe ah gurigiisa loogu dhacay Xildhibaan Dhakool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor saq dhexe ah gurigiisa loogu dhacay Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan Aqalka Wakiiladda ee Somaliland taasi oo ah fal aanu sharcigu ogalayn. Cidda falkaa ku kacaysaa ha noqoto Madaxwayne, taliye ciidan, gudoomiyaha aqalka wakiilada ama cid kastookale sinaba sharcigu uma ogala.



Walibana waxay ku darsadeen goor xun socod taasoo argagax galiyay xaaskii iyo carruurtii iyo dadkii kale ee guriga kulanoolaa iyaga oo taa kala sinnaa dadwaynaha la ah dariska waayo maa ay soo dhigan in shar ku dhex sugayo gurigooddii ay nabad iyo caano ugu seexdeen balana aanay ku ogayn gudihiisa.

 

 

Xukuumaddu waxay Argagax ku abuuraysaa dadkeeda waliba maati aan waxba galabsan in taa lagu falaa waxa ay ahayd gardarro caddaana oo waliba lagu fuliyay magac dawladeed oo dirays loo soo gashaday mana aha wax caqliga fayoobi yeeli karo, muwaadin kasta oo reer Somaliland ahina aanu gayn ama ha noqdo Xildhibaan Dhakool iyo Qoyskiisa ama cid kaleba e.

 

Falalka noocaas ahi waxa ay dhici jireen xilligii xukuumaddii Siyaad Barre ka talin jirtay gobaladdii Waqooyi, Somaliland ah maanta gaar ahaan Hargaysa, Burco iyo Berbera iyo inta la halmaasha. Waxaan aad uga soo horjeeday falalkaa waxshinimada ah ee dadkaa lagula kici jiray. Si sidaa la mida waxaan si toosa uga soo horjeedaa in maanta Somaliland oo ay walaalo yihiin dadka wada lihi in qoyska Dhakool lagula kaco falkaa aan aadka uga cadhooday ee bahalnimadda ah oo aan jidh diiday xaqiiqdii, iyadoo aan ku talo galay in maqaalkan soo qoro mar hore ayse iga soo dhex gashay bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ii diiday inaan qoro aanse naftayda kula balamay marka ay i dhaafto inaan soo qoro, iyadoo waliba falkaasi  bahalnimada ahi ku soo beegmay bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo aanu u miidaan dayin Biixi inuu amarkaa qaldanaa hakiyo oo uu Eebbe xataa ka xishoodo haddii uu wax kale diiday inuu tixgaliyo.

 

 

 

Tan iyo intii uu xukunka halabsaday Biixi waxaad moodaa inuu la kawsaday cadawtinimo uu u hayay shacabkii uu madaxwaynaha u ahaa isagoo aan u aabo yeelayn wax kasta oo ay ahayd in la xeeriyo marka laga reebo doonistiisa oo hogaaminaysa, iyadoo waliba  qaldan. Lama tirin karo inta fal ee uu kaga aar gudanayo muwaadiniintiisa oo waliba qaar badan oo ka mida kuwaasi ay ahaayeen kuwo ku badhi taaray codka uu ku halabsaday kursiga dalka ugu sareeya.

 

 

Aan soo qaato Cabdi Cali iyo Geeljire oo uu dibadda ka dhigay xisbiga Kulmiye oo ay mudo dheer ka tirsanaayeen bilaa shuruud. Sida laga soo xigtay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Siilaanyo uu xattaa ku yidhi Madaxwayne Biixi waa qalad inaad labadaa muwaadin ka saarto xisbiga oo ay muddo dheer ka soo tirsanaayeen iyadoo dadka reer Somaliland kala socdeen dhacdadaas warbaahinta aanse uga gol leeyahay in aan iftiimiyo in haddii uu Madaxwayne Biixi ku qaniino wax kastaba ha kugu qaniinee inaad filato aar goosi goor aan habeen ahayn maalinna ahayn. 

 

Ku dar Maalqabeen Maalgashade Axmed Cismaan Geelle oo uu is yidhi u af-duub kaliggii taliye Ismaaciil Cumar Geelle ka dib markii laga war helaynauu fashil ku yimi inuu ku bariiqday oo ay suurta gal u noqon kari wayday Mahadna ay lahaayeen inta Eebbe ka sokaysa salaadiinta beesha Axmed Cismaan Geelle oo u quus gooyay Biixi inaanu arrinkaasi u suurta galayn kana xigaan dagaal ka dibna faraha ka laabtay.

 

Intaa kuma koobna Aarsiga Shaqsiga ah ee uu bulshada kula soo dhex dhacay Biixi iyadoo aan soo qaadan karo dhacdo kale oo foolxun oo uu kula kacay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Buuni oo uu u quudhi waayay inuu ku sime ka sii ahaado Wasaaradda Qorshaynta ka dib markii wasiirkii wasaaraddaasi xanuun ku yimi tani oo loo aanaynayo aargoosi qabiil, iyadoo aargoosiga Biixi noocyo badan yahay waa tu kale oo ku tusaysa aargoosigiisa oo wejiyo badan leh haddii uu maalin si uun kuu qaniinayna aan lagaa furfurayn sida Mas-Cagalayda oo la yidhaa halka ay qabsato waa loo gooyaa mise waa halkii Hadraawiye waa ninka Hoos ka tuurka ah nin raggaa hilmaamee,  Naxli huursan baad tahay.

 

Dhacdo kale oo aan taa ku lamaanaynayo waa Abwaan Hadraawi oo la ogaa qaybtii uu ku lahaa soo halgankii dib loogu soo dabaalayay gobanimaddii ka luntay Somaliland oo muddo dheer halgan aan kala go’ lahayn u soo galay naftiisana u huray in Hargeysa loogu keenay isagoo xanuunsanaya oo xusuustii ka luntay muddo bilo ahna halkaa lagu hayay taasi oo aanu Biixi ooda ka rogin abaal darrona kaga fal celiyay.

 

Abwaanka arrinkiisa wax tar ha kuu joogee tolow halkuu salka ku hayaa aarsiga abwaanku waa layaab. Aarsi badanaa maxaa Tawfiiqddii ka

Xayuubiyay waxaabu huwan yahay Karaamaddii Dalka oo dhane?

 

Ma dhadhawa Aarsigu xataa maytidii ayuu gaadhay sida Alle ha u naxariisto e Marxuum Cali Aaraaye oo muddo kooban uun ka hor lagu aasay Hargeysa inaanu Biixi ka soo qayb galin Aaskiisa taaso oo laga dhadhansan karayay aargoosi malaha ku qotoma Waddani iyadoo uu iskaga soo riixay Saylici oo ay ahayd malaha idinkaa is ood xigga ee adigu buuxi jagaddii aan baneeyay. Aarsi Waddani dheh waar tolow mayd miyaa la dhaafi waayay Allow aanu na qaniinin Biixi si aanu nooga hadhi waayin ilaa Xabaasha.

 

Kuwaasi iyo kuwo kaleba waa dhacdooyinka ay taariikhdu xusi doonto ee laga gunti doono Biixi iyo waayihiisii aargoosiga bulshadda Somaliland oo Dhakoolna ka mid yahay uun si uun ama si kale laakiin ay wadaagayaan uun Aargoosi, tan oo aan shaki igaga jirin inay tahay aarsi qabiil haddaba haddii caqli aan aarsi ku qotomin oo caafimaad qabaa talin lahaa maxaa ay ku soo gabagaboobi lahayd hadaladdii uu yidhi Xildhibaan Dhakool? Waxa lagu soo uruin karaa sidan, marka hore in afka la qabto maaha Xildhibaanka ee waa in loo daayo xoriyadda hadalka isaga iyo muwaadiniinta kale ee reer Somaliland maalinta Qaranimadda Somaliland waa 26 June oo waa uu ku saxsanaa xildhibaanku waana maalintii aynu ka qaadanay xorriyaddii luntay Great Britain. 18 May weli magicii ku haboonaa dawlad iyo dadwayne midna looma bixin waana lagu kala arag duwanaanayaa, dood ayaa ka furan waxa lagu suntayo taasna aan halkaa ku ekeeyo. Waxaan ugu danbayntii u soo gondodagayaa Xadhiga ama Xasanadda xildhibaanka, xadhigu waa xaaraan cida ay ahayd inay ka felcelisaa maa ay ahayn Muuse oo xantoobsaday sharciga iyo kala danbaynta iyo Dastuurka ee waxaa waajibkaa uu maroorsaday lahaa Golaha Wakiiladda waliba guddida Joogtada ah oo ay ahayd inay fadhi dagdag ah isugu yimaadaan kana gaadhaan go’aan anshax marineed wax kasta oo ka soo baxaana waxa uu ahaan lahaa xalaal ay cid waliba ku qanacdo xataa xildhibaanka ooda afka laga saaray bisha Ramadaan reerkiisiina Saqda dhex la galalafay. Marka uu muuse fuliyo ciqaab anuu xaq u lahayn, intii u xaqa lahaydna looga dhaartay miyaanay taasi cadayn u ahayn in xidhibaan Dhakool u garbo duubnaa Aargooste keligii taliye Biixi oo Dastuurkii iyo Sharcigii Somaliland xantoobsaday kana dhigay sharci iyo sharci-darro wixii uu Xiskiisu doono ama diido.

 

Qore: Cabdi Muxumed

 

[email protected]

 

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...