Xabbad Joojin Qasab Ah Oo Lagu Wado In Ay Ka Hirgasho Suudaan

0
Friday April 21, 2023 - 14:12:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabbad Joojin Qasab Ah Oo Lagu Wado In Ay Ka Hirgasho Suudaan

    "Xabbad-joojintu waa mid aad muhiim u ah xilligan,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xabbad-joojintu waa mid aad muhiim u ah xilligan,"



Waxaa sii kordhaya cadaadiska diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suudaan oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof todobaadkii u dambeeyay.

 

Ciidanka caadiga ah waxa ay la dagaalameen ciidamo gurmad ah oo lagu magacaabo Ciidanka Taageerada degdega ah (RSF).

 

Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo dalal kale ayaa xoojinaya xabbad joojin saddex maalmood ah oo lagu xusayo ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.

 

RSF waxa ay sheegtay in ay ogolaatay xabbad joojin 72 saacadood ah sababo la xidhiidha xaalad bini'aadantinimo. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka dhanka kale.

Xabbad-joojintu waxay jiri doontaa laga bilaabo 06:00 (04:00 GMT) Jimcaha si ay ugu soo beeganto xafladda, ayay sheegen RSF.

 

Laba jeer oo hore oo xabbad joojin ah ola isku dayay ay ku guuldarreystay inay dhaqan gasho.

 

Madaxa ciidamada, General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa mar sii horeysay meesha ka saaray suurtagalnimada in wada xaajood lala galo RSF.

 

Rejadii ugu dambeysay ee xabbad joojin ku meel gaar ah ayaa timid ka dib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu codsaday xabbad joojin si loogu oggolaado dadka rayidka ah si u gaadhaan.

 

Xabbad joojinta Ciidda "waa inay noqotaa tillaabadii ugu horreysay ee joojinta laga o dagaalka taas oo waddada u xaadhaysa xabbad-joojin joogto ah,” ayuu yidhi Mr Guterres.

 

"Xabbad-joojintu waa mid aad muhiim u ah xilligan," ayuu raaciyay.

 

Ciiddan waa ciidda muslimiinta ee soo afjaraya soonkii bisha Ramadaan.

 

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 20,000 oo qof - oo u badan dumar iyo carruur - ay ka qaxeen Suudaan oo ay dagaallo qadhaadhi ka socdaan halkaas, si ay ammaan ugu raadsadaan dalka jaarka ah ee Chad.

 

Ethiopian leaders, as well as Mr Blinken and the Saudi and Qatari foreign ministers.

 

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale ka codsaday hogaamiyayaasha millatariga ee dagaalamaya in ay si gooni gooni ah ay ku biiraan xabad joojin ugu yaraanna gaadhsiiyaan ilaa Axada.

 

Mr Blinken "waxaannu muujinaynaa walaaca Mareykanka ee ku saabsan halista dadka rayidka ah, shaqaalaha bini'aadantinimada iyo diblomaasiyadda, oo ay ku jiraan shaqaalaha Mareykanka" ee dagaalka, ayay lagu yidhi qoraal ka soo baxay

 

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada Sudan ayaa lagu sheegay in Gen Burhaan uu taleefoono ka helay madaxda Turkiga, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, iyo sidoo kale Mr Blinken iyo wasiirada arrimaha dibadda Sacuudiga iyo Qatar.

 

BBC


Loading...
Loading...