Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Hambalyada Ciida Udiray Shacabka

0
Thursday April 20, 2023 - 19:24:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Hambalyada Ciida Udiray Shacabka

    "Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa ciidamadeena kala duwan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa ciidamadeena kala duwan"



Waxaan hambalyada Ciid- al Fidriga 1444 ee sanadka Hijriga u dirayaa guud Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

Waxaan Allaha awoodda badan leh waydiisanaynaa in uu inaga aqbalo soomkii, salaadihii, qur'aankii, sadaqadii, ducadii iyo dhammaan kheyrkii aan samaynay bisha barakeysan ee Ramadan, ciidan teeda xigtana inagu gaarsiiyo nabad, bashbash iyo barwaaqo.

 

Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa ciidamadeena kala duwan ee geesiyaasha ah ee — bacdallaahi — suurtagaliyay in magaalooyin badan oo dalka ka mid ah, 15 sano ka dib, si nabad ah oo xorriyad leh loogu afuro.

 

Waxaa xusid mudan, in shacabka Caasimadda Muqdisho waajibka soonka guteen iyaga oo aan ka cabsanaynin cadowga Khawaarijta, Ciyaalweero iyo Calaqleey midkoodna.

 

Waxaan mar kale, hambalyo, ammaan iyo ducaba u dirayaa hay'adaheena amniga, booliiska, Nabad-sugidda, Asluubta iyo Milatariga ee hadh iyo habeenba u taagnaa sidii magaalada Muqdisho oo nabad ah loogu soomi lahaa.

 

Ugu dambayn, waxaan u mahad celinayaa shacabka Soomaaliyeed ee sida wanaagsan ula shaqeeyay hay'adaha amniga ee ayaga u shaqaynaya, kuna garab istaagay sidii ay amniga u sugi lahaayeen.

 

KUWADA CIIDA CAAFIMAAD!


Loading...
Loading...