Kumiye Oo Diintii Ka carceeray ( Abdi-Shotaly) .

0
Sunday June 23, 2019 - 12:19:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumiye Oo Diintii Ka carceeray ( Abdi-Shotaly) .

    Murti baa waxay ahayd " Waxay na badeen, waxay na bareen baa ka sii daran", Waxan u soo qaatay xikmadan sare ku taal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murti baa waxay ahayd " Waxay na badeen, waxay na bareen baa ka sii daran", Waxan u soo qaatay xikmadan sare ku taal,
oo aan doonayaa in aan idiin balba-laadhiyo, wax yaabaha la yaabka leh ee uu kulmiye soo kordhiyey, ee dhaqan xumidda iyo dhiin la'aanta ah ee uu dhiiri gelinaayo, hadaba aan kuu bilaabo'e, Kulmiye yimiyaa-ba, wuxu ku dhaqaaqay isla markii uu xukunka qabsaday-ba in diinta la xakameeyo, ummadana lagu dhiiri gelyo wax ay gaallo samaysatay oo ay u bixiyeen siyaasad, waxad arkaysaa wadaadaddii iimaamka ahaa oo axaadiistii iyo aayaddii quraanka ku dabaqaaya siyaasad, una daliil-sanaaya oo ku fasilaaya munaafaqadda iyo beenta siyaasadda, oo isku soo salaxaaya. Masaajidaddii oo cagaf-cagaf la geliyey, Mikinisado la samaynaayo, macalimiintii quraanka dhigi jirey, oo Iyana siyaasiyiin isu bedelay, oo quraan dhurwaa akhiyaaya, aan ku soo dhawaado ee iga qabta waa tan xaqiiq-diiye.

 

Bal hadda Muwaadin waxan kuu soo koobayaa, arimaha lagu faanaayo, ee la inaga dhaadhi-cinaayo, kuna sheegayaan wax qabasho iyo horuu-mar, adba waad ila arki doon-taaye, waanad ii qiri hadaad daacad tahay, oo aanad meel is kaga baydh ahayne, waa kuwan hoos ku qoran horu-marka uu Kulmiye Sameeyey, ee ku soo ruqaanso, wakhti yarna is sii aad ku akhrido, haddii alle idmo waa diin la colaw iyo dhiiri gelin munaafaqa-deede:- 

 

(a) Wadaadkii iimaamka ahaan jirey, ee samaale loogu yeedhi jirey (Imika-se loo yaqaano " Jano-ka-Bood", halkii uu beriggii hore, masaajidadda dadka ka wacdiyi jirey, ee uu ka odhan jirey " Wac-tasimuu  bixabli-laahi Jamciican, Walaa ta-tafarquu", oo micna-heedu yahay " Xadhiga Illaahay wadda qabsadda, oo ha kala teg-tegina ama ha kala fur-furmina, Hadeer wuxu ku bedeley Xadhiga Kulmiye wadda qabsadda iyogaashaan-buurta jeegaanta, oo qawlkii ilhaahay buu munaafaqadda iyo beenta ay dadka ku sirxayaan, uu shirarka u daliil-sadaa, Kitaabkii uu akhriyey jirey inta uu xooray buu wuxu akhriyaa, buugaagtii ay qoreen gaaladu ee ay kaga sheekeeyaan waxa ay ula baxeen Dimuqraa-diyadda, sababtuna waxay tahay, kitaabkii wax-ba lagu cuni waa, oo waxaasi waa xaaraan buu la hor taagan yahay iyo lama ogola, sidaas awgeed halkii uu dhigay, maalintii uu yidhi xildhi-baan baan ahay, baa boodh ka dul buux-samay, oo uu weli yaalaa kitaabkii uu akhriyi jirey.

 

( b) Macalin quraankii la odhan jirey " Xinif", waxa uGu dambaysay quraan uu dhigoo dambe, Markii uuku soo baxay doorashadda Kulmiye, ee Siilaanyo  madax-weyne noqday, waxa bilaabantay, In uu Macalin quraankii Mr Xinif ka dhigay Maareeyaha Cudurka dilaaga ah ee la yidhaaho " Caateeye ( Aids-ka), oo nin-kiiba wuxu noqday Dhakhtar cirka looga soo hindhisay ( lagu yidhi caalimka Aids-ka daweeya baa tahay), isna maanlin-tiiba waa ka tuuray looxii uu ardaydda higaadda uu ku bari jirey, ilayn wax-ba ku cuni maayo'e. Waxa ka sii daraaday taas, markii uu asakri-gani boobay doorasadu Meesha yimi, wuxu ka dhigay isna Maareeyahay Bara-kaca-yaasha, oo hantiddii loogu tallo galay dadkii ay abaartu caydhaysay, in dib loogu dejiyo buu isna ka doortay malcaamad quraankii iyo khayrkii uu ubadka wax ku bari jirey, ilayn tan baa u dhaanta, oo uu ka fara-qabsana-yaaye.

 

(c) Waxa la dumiyey Baytul-laahiggii ( Waa Masaajida-diiye), oo dhulka lala simay, iyo malcaamad quaraankii ku yaalay degmadda Ceei-Af-weyn, waa halka ay inkaartu kaga dhacday Madax-weyne Siilaanyo ( Illaah caafimaad ha siiyo'e), oo magaaladdii siday u dhamayddii laga yeelay ban cidla ah, dadkii deganaana sidda shimbiro hadhuudh loo qubay, debedda loo saydhiyey, bal hadda idinku eega waxa meeshaas ka socdda, tii Alle-na maqane.

 

(d) Ilayn waa dad ana xishoonayne, oo wax qaata mooyee aan dadnimo iyo bani'aadanimo mid-na aan lahayne,Iyadda oo Masaajidaddii sidaa loo burburiyey, baa hadana ay ku dhawaaqeen, waxanu dhisaynaa Mikinisado ay gaalladu ku tukato, iyadda oo gurggii illaahay ( Masaajidkii dhulka lala simay), Illaahay kama qarsoona, dadkan diinta islaamka kala dagaalamaaya ummaaddii, ku soo dhaqmaysay, islaanimadda ilaa iyo intii magaca Soomaliyeed jirey-ba.

 

Waxan ku soo xidhay, qoraalkan, Hidihii, miladeenii, diin-teenii iyo dhaqankii aynu lahayn, ee ab iyo isir aynu soo haysanay, waxa laga door biday, in munaafaqaddii ay gaaladu ula baxday Dimuqraa-diyadda iyo beentii la hir-geliyo, ilayn dan baa ugu jirta, oo inta ifka la joogo bay ku ceehs-yaane, waxay yidhaaheen aakhiro dan-teedda, ee aduunka intaad joog-taan canka buusadda, iimaam iyo maclin quraan wax ku cuni kari-maysaane, ugu damaby waxan kaga baxay, waxa laga hayaa Cigaal Shidaad (Ihun), Haddii aan karintaa laga guurin, waxa ka soo dhici doona " Gorayo Heeryeysan", waana ay dhacaday, oo markii la maqli waayey, aakhirkii way iska soo shubtay, iyadda oo maca kabaaladdii wadata, waxan uga socdaa hadaba, haddii aynaan iska qaban Kulmiye iyo askartan Mikinisadaha dhisaaya, ee masaajidaddii duminaaya, waxa aynu ku damabyn doonaa diin la'aan, iyo halaag, waa taa abaar iyo biyo la'aan laga bixi waayey.

 

 

* N.B Waxay Na Badeen, Waxay Na Bareen Baa Ka Sii Daran.

Qore:- Abdi-Shotaly

 

[email protected]

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...