Kumannaan Qof Oo Ka Qaxay Khartuum.
Kumannaan qof ayaa
Arbacadi maanta ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartoum, kaddib marki uu dagaalka
u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysani uu galay maalintiisii shanaad.
Qaxa ayaa yimid, kaddib
marki Talaadadi uu fashilmay iskuday heshiis xabbad-joojin ah oo ay labada
dhinac isku afgarteen, kaddib afar maalin oo dagaal culus uu ka socday Khartoum
iyo magaalooyinka mataanaha la ah.
Dad ku nool xaafado
kala duwan oo ka tirsan Khartoum iyo Omduman ayaa wakaaladda wararka ee AP u
sheegay in ay arkeen, rag, dumar iyo carruur wata boorsooyin waaweyn oo ka
baxaya magaalada.
Dadka qaar ayaa
maalayay cagahooda, halka kuwo kale ay wateen gaadiid. Dadkaan ayaa u qaxay
magaalooyin kale ee dalka ee ka nabaddoon colaadda.
Dhanka kale, iskuday
kale oo xabbad-joojin ayaa fashilmay caawa, walina waxaa caasimadda ka sii
socda duqeymaha cirka iyo dagaalka tooska ah ee u dhaxeeya ciidanka millatariga
iyo kooxda sida millatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF.
Goor sii horeysa oo
maanta ah, dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlayay bartamaha Khartoum agagaarka
xarunta uu degganyahay hogaamiyaha millatariga General Abdel Fattah al-Burhan,
inkastoo aysan kala caddeyn in wali uu halkaasi ku suganyahay.
Dagaal culus ayaa la
sheegay inuu sidoo kale ka dhacay xaafadda Jabra ee galbeedka Khartoum, halkaas
oo ay ku yaallaan guryo uu leeyahay ninka hogaaminaya xoogaga millatariga kasoo
horjeedda General Mohamed Hamdan Dagalo, oo lagu naaneeso .
Wakaaladda wararka ee Reuters
ayaa ku warrantay in qoyskiisa ay ku noolyihiin xaafaddaasi, balse ma Jiro war
si rasmi ah u xaqiijinaya.
Warbaahinta Af-Carabiga
ku hadasha ee AlJazeera ayaa sheegtay, in dagaalka ka socda Khartoum ay ilaa
iyo hadda ku dhinteen ugu yaraan 270 ruux, halka dhaawacu marayo 2,600.