78 Qof Oo Ku Dhintay Isbuurasho Ka Dhacday Yemen
Ugu yaraan 78 qof ayaa
ku dhintay isbuurasho ka dhacday caasimadda Yemen ee Sanca, kadib markii
boqollaal qof ay isugu soo baxeen dhisme iskuul, si ay u helaan gargaar
lacageed, sida ay sheegeen goob joogayaal iyo warbaahinta taabacsan Xuutiyiinta
maanta.
TV-ga Al-Masirah oo ay
maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ayaa sheegay in dhowr qof
ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan 13 qof oo xaaladoodu ay halis tahay, isagoo
soo xiganaya agaasimaha caafimaadka ee Sanca.
Afhayeen u hadlay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xuutiyiinta ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay
in isbuurashada ay dhacday xilli ay ganacsatadu qaybinayeen deeqo samofal ah oo
maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan ay qeybinayeen.
Labo goobjooge oo ka
qeyb qaatay gurmadka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in boqolaal
qof ay isu soo baxeen,si ay u helaan deeq lacageed oo dhan 5,000 oo Riyaal, una
dhiganta 9 doolar qofkiiba.
Muuqaal ay Xuuthiyiintu
ku baahiyeen Telegram-ka fariimaha la isugu diro ayaa muujinayay dad aad u tiro
badan oo isku soo ururay, qaarkoodna qeylinaya, isla markaana u gacan haatinaya
in loo qaado meel ammaan ah.
Laba ganacsade oo
masuul ka ahaa qabanqaabada deeqdan lacageed ayaa xabsiga la dhigay, waxaana
socda baaritaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuutiyiinta.
VOA