Xildhibaan Katirsanaa Golaha Wakiilada Somaliland Oo Geeriyooday.

0
Wednesday April 19, 2023 - 18:36:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Katirsanaa Golaha Wakiilada Somaliland Oo Geeriyooday.

    "Gudoomiyaha ayaa Ku tilmaamay Marxuumku inuu ahaa Oday qiimo weyn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gudoomiyaha ayaa Ku tilmaamay Marxuumku inuu ahaa Oday qiimo weyn"


 


INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Tacsi guddoomiye

Kusimaha Gudoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda JSL Mudane Siciid Mire Faarax (Giire) isagoo ku hadlaya magiciisa, ka Shirgudoonka  iyo ka Xildhibaanada iyo golaha Wakiillada JSL wuxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Golaha Wakiillada , Shacabka iyo  guud ahaan Qaranka Jamhuuriyada somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed  oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada JSL oo Maanta ku geeriyooday magaalada Diridhaba ee Dalka Ethiopia.

 

Gudoomiyaha ayaa Ku tilmaamay Marxuumku inuu ahaa Oday qiimo weyn qaranka ku lahaa, kana soo qayb qaatay dibudhiskii dalka iyo nabadaynta beelaha JSL  xilal badana soo qabtay haddana ahaa gudoomiyaha gudida joogtada iyo anshaxa ee Golaha.

 

   Guudoomiyuhu wuxuu ilaahay uga baryey  inuu Janatul Fardowsa aclaa ku abaaliyo samir iyo iimaan Saadiqana inaga wada siiyo kuligeen.

AMIIN .... AMIIIIN     AMIIIIIN


Loading...
Loading...