Madaxwaynaha Oo Magacaabis Sameeyay.

0
Wednesday April 19, 2023 - 15:36:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Oo Magacaabis Sameeyay.

    "Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ergeyga cusub ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ergeyga cusub ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda"

 



Muqdisho, 19 Abriil, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ugu magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo raacaya Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG ayaa tilmaamay in Ergaygan aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ergeyga cusub ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga dardargelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Soo-Galootiga, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta Carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasigaa.

DHAMMAAD


Loading...
Loading...