Safarkii La Rumaysan Waayay Ee Dayaxa Lagu Tagay Maxaa Laga Soo Faa'iiday?

0
Sunday June 23, 2019 - 12:11:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkii La Rumaysan Waayay Ee Dayaxa Lagu Tagay Maxaa Laga Soo Faa'iiday?

    Waxay ahayd july 20 1969 markii sadex cir mareen oo kala ahaa 1-Neil Armstrong taliyaha howl galka 2-aldrin Buzz "pilot"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay ahayd july 20 1969 markii sadex cir mareen oo kala ahaa 1-Neil Armstrong taliyaha howl galka 2-aldrin Buzz "pilot" iyo 3-Michael Collin "pilot”  ay xidh- xidheen alaabtoodii ,Cuntadoodii,biyahoodii,dawadoodii iyo suudhkii ama dirayskii lagu marayay cirka iyo dhamaan waxay Sahay u baahnayeen,waxa kale oo ay sii dabaysteen baytari kasta oo u suurto gelinaya qaabka Saynis ee ay u socdaan,halka loo socdaalayaa waa Dayaxa.maalintaas iyada ah waxa da’ayay roob duufaan watta hase ahaatee taasi may baajinayn socdaalka loo sahay qaattay,Sababtu waa  dayax gacmeedka la raacayo ayaa ahaa mid loogu talo galay Cimilo kasta iyo roob kasta inuu ka dhex duso ,Cimilada ka sokow waxa kaloo intaas sii dheerayd oo iyadana lagu talo galsanyahay in markuu kacayo Qaraxa nucliyerka oo kale,olol,iyo qiiq badan isku kicinayo,



Dayax gacmeedkan Apollo 11 oo ahaa mid aad u awood badan waxa laga diray sadhigga NASA ay ku leedahay xeebta folorida,waxa goob joog ka madaxweyinihh xilligaas ee Maraykanka Richard Nixon iyo kumaankun Wariye,waxa kaloo meesha deganaa dad badan oo Taandhooyin ka dhistay xeebtan Florida oo habeenno u hoyday, si ay goob joog uga noqdaan socdaalkan la yaabka leh,malayiin dad ah oo daafaha dunida ku nool ayaa iyaguna isha ku hayay socdaalkan oo muddo dheer howshiisa lagu jiray laguna taamayay in mar uun dayaxa la fuulo guudkiisa.

 

Sadexdii cir mareen waxay xidheen beelkoodii waxana bilaabmay hoos u tirinta 10.9.8 ilaa 1 oo ah marka uu sida xabbad afka ka boodday gantaalka dayax gacmeedku cirka isku shreerayo.shanta Engine ee waaweyn dayax gacmeedka qarxinaya marka ugu horraysa waxa gubaya,Oxygen dareere ah oo culayskeedu yahay 5 milion oo kg iyo haydrojiin laba mirir iyo badh markuu guuxii iyo ololkii arlada qariyay ayuu kacay cirka ayuu isu daruuray.in  kastoo la shakiyay mar in cilladi gashay,roobkii da’ayay awgii,oo Systemkii yara kala go’ay haddana cir bixyeenadii ayaa sheegay inay xaalladu caadi tahay,qaabkii xidhiidhkuna wuu soo noqday Dayax gacmeedkii wuxu bixiyay laydhka doogada ah oo macneheedu yahay dhulkii waan ka tagay.


Sida caadiga ah dayax gacmeedku marka uu ka baxo atmosphere ka dhulka waxa uu helaa xaalada xornimo oo oo aanu jirin Cuf isjiidad soo rida,markaas sida uu doono ayuu hawada u dabaalan karaa,halkaas waxa ka dhaca xaalad loo yaqaan Wanqaran "state of Separation” qaybo ka mid ah dayax gacmeedku way iska hadhaan oo kolka horeba caawiyaal ayay ahayeen qaybo kalena dib ayay isugu soo xidhantaa marka shaqada loo diray ama sahanku soo dhamaado,sidaas ayaa qaybtii cir mareenku saarnaayeen ugu sii gudubtay dayaxa,waxay u sii qaybsantay haddana laba qaybood qaybta loo yaqaan "Lunar module”oo ah qaybta dayaxa dushiisa ku degtay waxa saarnaa Nil Armstrong iyo Buzz aldrin hase ahaatee qaybta loo yaqaan "Command module”waxa saarnaa Michel Colin  iyadu may cago dhigan dayaxa guudkiisa ee waxay sugaysay inta ay u imanayaan si ay markaas u soo hoggaamiso,Sidaas ayuu Michel Collin isaguna noqday ninkii saacado badan keligii heehaabayay dayaxa dushiisa kelinimo.


Neil Armstrong,Edwin buzz iyo Michael collins  sidaas ayay naftooda ugu hureen,Socdaal aan la garanayn in laga soo noqon doono iyo in kale,xawaraha uu ku socday dayaxgacmedku wuxu ahaa 4000km saacadiiba, halka ama garoonka lagu degayo hore ayaa loo sahamiyay oo waxa jirta sawirro laga qaaday meelaha dayax gacmeedku fadhiisan karo ee laga yaabo inay cimilo ahaan iyo meel ahan ay isku simantahay waxa laga haystaa fikir wanaagsan.


Cir maaxayaashu sidaas ayay ku beegsadeen oo ay ku degeen meel ka mid ah dayaxa oogadiisa oo ah halkii Saynis ahaan loogu talo galay,isla markana ay hore u  sahamiyeen saynisyahanadu meehsha ay u bixiyeen "badweynta Deggan” qiyaastii waa ilaa 2000 km oo dayaxa dushiisa fidsan waxa la rajaynayaa in halkan tahay Meelo dirri ah oo dayax gacmeedku fadhiisan karo,waxa bishii april ee isla sanadkan ku degay dayax gacmed yar oo aan cidi saarnayn oo ka soo diray sawirrada lagu go’aan qaadanayo sidaas ayayna cagaha ugu joojiyeen dayax gacmeedkii si nabad ah,cabaar markii uu fadhiyay aaladdii,ayaa Cir mareenkii ugu horreyay Salaanka beegsaday si  uu ugu dego dayaxa guudkiisa  waxana sawirkii ugu horeeyay ka qaaday saxibkii "aldrin Buzz” isla markaana dhulka u soo diray,waxana shaashadda saldhigyadii laga hagayay ka soo muuqday Armstrong oo cagaha dayaxa guudkiisa ku joojiyay.halkaas ayay farxad iyo niyad samaan la muujiyay iyadoo indhaha laga eegayo bal waxa xigi doona.


Ugu horrayn Niil Armstrong dhowr tallaabo qiyaastii markuu socday,meel aan ka fogayn dayaxgacmedka,saaxiibkiina soo degay,inta aanay howl kale qaban horta waxay ka taageen Calankoodii taas oo samaynaysa macno wayn iyo dhadhan shucuurta ay u hayaan waddankooda,iyo hankooda oo sarreeya, waxaynu eegi doonnaa qaybta danbe bal wixii ay kala kulmeen caalamkan cusub …...La soco qaybta danbe……..

Rashiid Odowaa  diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...