India Oo China Kala Wareegaysa Dalka Ugu Dadka Badan

0
Wednesday April 19, 2023 - 15:17:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    India Oo China Kala Wareegaysa Dalka Ugu Dadka Badan

    "Dad badan ayaa heerkeeda dhalmada ee hoos u dhacaya u sababeeya sare u kaca qiimaha nolosha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dad badan ayaa heerkeeda dhalmada ee hoos u dhacaya u sababeeya sare u kaca qiimaha nolosha"



India ayaa la filayaa inay China kala wareegto dalka ugu dadka badan adduunka kahor dhammaadka bisha June ee sanadkan, waxaa sidaas maanta muujisay qiyaas ay sii daysay Qaramada Midoobe.

 

Isbeddelkan ayaa la filayaa inuu muujiyo in shacabka India ay gaaraan 1.4286 bilyan -- taasi oo ku dhowaad saddex milyan ka badnaan doonta kuwa China oo noqonaya 1.4257 bilyan -- sida ku cad warbixinta hay’adda UNPF ee saadaasha xaaladda dadweynaha dunida.

 

China ayaa loo arkay dalka ugu dadka badan dunida tan iyo markii ay dhacday Boqortooyadii Roman Empire, hase yeeshee sanadkii tegay markii ugu horreysay tan iyo 1960-kii ayey tirada shacabkeeda is-dhimeen, halka kuwa India ay weli sare usii kacayaan.

 

Dalkan ku yaalla Koonfurta Asia oo teedsan kasoo billow Buuraha Himalayas illaa Xeebaha Kerala, ayaa looga hadlaa 22 luuqad, ayada oo ku dhowaad kala bar dadka ku nool ay da’doodu ka yar tahay 25 jir.

 

Dalka ayaa wajahaya caqabado ay ka mid yihiin in shacabku helaan koronto, cunno iyo guryo, ayada oo in badan oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ay la tacaalayaan biyo yari, hawo iyo biyo wasaqeysan iyo xaafado isku raran ah oo dadku buux dhaafiyeen.

 

Sida ay sheegtay hay’adda Pew Research Centre, tirada dadka India ayaa kordhay hal bilyan tan iyo 1950-kii, sanadkaas oo QM ay billowday inay ururiso xogta dadweynaha.

 

China ayaa sanadkii 2016 joojisay "siyaasadda hal-canug” ee lasoo rogay 1980-kii ayada oo laga cabsi qabay tiro badnida shacabka, waxayna 2021-kii billowday inay lamaanaha u ogolaato inay dhali karaan illaa saddex canug.

 

Dad badan ayaa heerkeeda dhalmada ee hoos u dhacaya u sababeeya sare u kaca qiimaha nolosha iyo haween badan oo dooranaya inay shaqeeyaan ama raadsadaan waxbarasho sare.

 

China ayaa Arbacadii sheegtay "inay fulineyso istaraatiijiyad qaran oo ay uga jawaabeyso shacabka sii gaboobaya, sarena ugu qaadeyso siyaasadda saddex canug.”

 

India ma hayso wax xog dadweyne ah, sababtoo ah ma aysan sameyn tiro-koob tan iyo 2011-kii, ayada oo tiro-koobkii la sameyn lahaa 2021 uu dib u dhigay cudurka Coronavirus.

 

Hindisahaas ayaa waxaa hadda la degay caqabado farsamo, taasi oo ka dhigeysa tiro-koob la sameeyo mid aan billaaban doonin waqti dhow. Dadka qaar ayaa dowladda ku eedeeyey inay si kas ah dib ugu dhigeyso tiro-koobka illaa kadib doorashada sanadka dambe.

 

Tiro-koobka ayaa tooshka ku ifin doona sida uu dhaqaalaha India ee dowladda ra’iisul wasaare Narendra Modi ula xarbinayo inuu shaqooyin siiyo malaayin da’yar ah, oo sanad kasta soo galaya suuqa shaqada.

 

Warbixinta cusub ee QM ayaa sidoo kale qiyaasaysa in dadweynaha dunida ay noqon doonaan 8.045 bilyan bartamaha 2023, markaasi oo shanti qof ee dunida ku noolba uu qof ka mid ah noqon doono Hindi.

 

Dalal kale oo badankood Yurub iyo Asia ah ayaa la filayaa in tirada shacabka ay hoos u dhacdo tobannaanka sano ee soo socda, sida ay muujisay xog ay QM sii daysya bishii July ee sanadkii tegay.

 

Afrika, tirada dadweynaha qaaradda ayaa la filayaa inuu sare uga kacdo 1.4 bilyan oo ay gaarto 3.9 bilyan sanadka 2100, markaasi oo 38 boqolkiiba dadweynaha dunida ay ku noolaan doonaan qaaradda, halka maanta ay ka yihiin 18 boqolkiiba.

 

Dadweynaha dunida oo idil, ayaa dhanka kale la filayaa inay hoos u dhacaan wixii ka dambeeya 2090, kadib marka ay gaaraan heerka uga sarreeya ee 10.4 bilyan, sida ay sheegtay QM.

 

VOA


Loading...
Loading...