Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka Sudan Oo Galay Maalinkii Shanaad
Kumanaan qof ayaa
Arbacada maanta ah ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartuum ayada oo uu maalinkii
shanaad galay dagaalka u dhaxeeya militariga iyo ciidamada sida militariga u
tababaran, kaasi oo ay ku dhinteen qiyaastii 200 qof, kadib markii ay burburtay
xabbad-joojin 24 saac ah.
Rabshadaha ayaa
dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal
ee xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaas oo kala ah; madaxa ciidamada
Sudan Abdel Fattah al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Mohamed Hamdan Daglo oo
hoggaamiya ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.
Waxa uu ka dambeeey
khilaaf xooggan oo dhex-maray Burhan iyo Daglo oo ku aaddan qorshe ciidamada
Dacmu Sariic loogu dhex dari lahaa ciidamada militariga -- taasi oo shuruud
muhiim u aheyd heshiis kama dambeys ah oo dib loogu soo celin lahaa
dimoqraadiyadda Sudan.
Qaraxyo xooggan ayaa ku
habsaday dhismooyinka ayada oo rasaas xooggan laga maqlayey Khartuum, waxaana
goobjoogeyaal ay sheegeen in qiiq uu qabsaday hawada.
Ciidamada Dacmu Sariic
oo wata gawaarida gaashaaman iyo gawaari xamuul oo hub ay ka buuxaan ayaa lagu arkayey
waddooyinka, halka diyaaradaha dagaalka ee militariga ay duqeynayeen
bartilmaameedyada Dacmu Sariic ama RSF, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.
Shacabka weli ku jira
guryahooda ayaa quus taagan, ayada oo cunnada ay haystaan ay sii yaraaneyso,
biyo la’aan ay jirto, islamarkaana korontada ay go’an tahay.
Rajadii ay ka qabeen in
la daadgureeyey ayaa meesha ka baxday markii xabbad-joojin bani’aadannimo oo 24
saac aheyd ay burburtay daqiiqado yar un kadib xilligii lasoo jeediyey inay
billaabato saacaddu markii ay aheyd 7-dii habeennimo.
Shacabka qaarkood ayaa
sida ay goobjoogeyaal sheegeen si iskood ah u billaabay inay guryahooda
Khartuum ka cararaan, qaar ayaa ku safrayey gawaari, halka kuwa kalena ay
lugaynayeen oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Goobjoogeyaasha ayaa
sheegay in meydadka ay daadsan yihiin waddooyinka.
Dagaalka ayaa waxaa ku
dhintay ugu yaraan 185 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 1,800 qof, sida
ay sheegtay QM.
Hase yeeshee tirada
rasmiga ah ayaa la rumeysan yahay inay intaas aad uga badan tahay ayada oo kuwa
badan oo dhaawac ah aysan gaari karin isbitaallada oo qaarkood sidoo kale la
duqeeyey.
Qaar ka mid ah
dowladaha dunida, sida Japan iyo Mareykanka ayaa billaabay qorshe ay kumanaan
ajaaniib ah uga daadgureyanayaan dalka, oo ay ku jiraan shaqaalaha QM.
Kadib markii
xabbad-joojinta ay burburtay, militariga ayaa ku eedeeyey "maleeshiyada
mucaaradka ah” inay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan, ayna sii wadaan "dagaalka
xarumaha ciidanka iyo garoonka diyaaradaha.”
Kooxda Dacmu Sariic
ayaa farta ku fiiqday militariga "inay ku xadgudbeen” islamarkaana jebiyeen
xabbad-joojinta ayaga oo billaabay "weerar aan kala sooc laheyn” oo ka dhan
saldhigyada ciidankeeda ee hareeraha caasimadda.
VOA