Xabbad-Joojin Soconaysa 24 Saac Oo Looga Dhowaaqay Sudan
Saraakiisha
hoggaaminaysa ciidamada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa ku heshiiyey
xabbad-joojin soconaysa muddo 24 saacadood ah, oo ka billaabmaysa fiidnimada
Talaadada.
Xabbad-joojinta ayaa
timid kadib cadaadis uga yimid xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony
Blinken oo ku saabsan joojinta dagaalka lagu hoobtay ee ka dhacay caasimadda
dalka Sudan ee Khartoum iyo weliba rasaas lagu furay kolonyo diblomaasiyiin
Maraykan ah.
Colaadda u dhexeysa
kooxaha hubaysan ee ku loolamaya dalka Sudan ayaa billaabmay afar maalmood ka
hor, waxaana ku dhintay ugu yaraan 185 qof guud ahaan dalka.
Xabbad-joojinta ayaa
billaabanaysa 6-da Fiidnimo wakhtiga dalka Sudan, iyada oo aan laga sii kordhin
doonin wakhtigaas lagu heshiiyey, sida uu u sheegay telefishanka al-Carabiya,
General Shams El Din Kabbashi oo xubin ka ah golaha milateriga ee haya dalka
Sudan.
Subaxnimadii Talaadada,
waxaa guud ahaan Khartoum ka dhacay rasaas ay wehlisay dhawaqa diyaarado dagaal
iyo qaraxyo.
Dadka deggan
magaalooyinka deriska ah ee Omdurman iyo Bahri ayaa soo sheegay duqeymo xagga
cirka ah oo ruxay dhismayaal iyo rasaas lidka diyaaradaha ah. Sidoo kale,
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaallo ay ka dhaceen galbeedka dalkaas.
Blinken waxa uu la
yeeshay wicitaano gooni gooni ah taliyeyaasha iska soo horjeeda - taliyaha
ciidanka iyo madaxa ciidamada taageerada degdega ah (RSF) - kuwaas oo
loolankooda awoodeed uu meesha ka saaray qorshe caalami ah oo uu taageeray oo
loogu wareegayo xukun rayid kadib tobanaan sano oo madax-bannaani iyo xukun
milatari.
Blinken oo hadal ka
jeediyey dalka Japan ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay taliyaha
RSF General Mohamed Hamdan Dagalo iyo General Abdel Fattah al-Burhan, isaga oo
ugu baaqaya xabbad-joojin soconaysa 24 saacadood, si loogu ogolaado qoysaska
dalka Sudan inay la midoobaan ehelladooda ka maqan iyo in la gaadhsiiyo
gargaar.
Blinken ayaa sheegay in
la weeraray kolonyo diblomaasiyadeed oo uu ka taagan yahay calanka dalka
Maraykanku. Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya inay weerarkaas ku lug leeyihiin
ciidamo lala xidhiidhinayo kooxda RSF.
Blinken ayaa sheegay
tallaabadaasi inay tahay mid mas’uuliyad darro ku dheehan tahay. Blinken ayaa
sheegay inay bedqabaan dhamaan shaqaalaha Maraykanka ahi.
Taliyaha ciidanka RSF,
Hemati ayaa sheegay in RSF ay qaateen xabbad joojinta si loo hubiyo marin
ammaan ah oo ay isticmaalaan dadka rayidka ahi iyo in la daadgureeyo dadka
dhaawaca ah.
Hemati ayaa sheegay
inay qorshaysan yihiin wadahadallo dheeraad ahi.
VOA