Gudoomiye Ku Xigeenka Ucid Ismaaciil Faarax Qadhuus Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Ehelada Iyo Shacabka Somaliland Ee Uu Ka Geeriyooday Ex Xildhibaan Mataan Hoori
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ucid Ismaaciil Faarax Qadhuus ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehelada iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay alle haw naxariistee xildhibaan hore Mujaahid Aadan Muxumed Hoori Mataan oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Gudoomiye ku xigeen Ismaaciil Faarax Qadhuus waxa uu marxuunka oday kaalin weyn ugu jiray dalka oo ka baxay, kaasoo door weyna ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka lala soo maray, isaga si gaara ah u xusay halgankii SNM oo marxuunku kaalintii ugu mudnayd ku lahaa isaga oo ku suntanaan doona isla markaana lagu xusuusan doono magaca SNM oo uu isagu bixiyey.
Ismaaciil Faarax Qadhuus waxa uu sheegay in marxuun Mataan Hoori uu kaalin shariif ah ku lahaa dib u dhiskii dalka isaga oo mudo dheerna ahaa xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, waxaanu ugu duceeyey in alle naxariistiisa jano ka waraabiyo dhamaan qoyskiisa iyo shacabka Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Gudoomiye ku xigeenka Ucid Ismaaciil Faarax Qadhuus waxa uu si gaara u tacsiyadeeyey qoyskii marxuunka isaga oo alle uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo.
![]() |
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!