UK Oo Safiir Cusub Usoo Magacowday Soomaaliya

0
Tuesday April 18, 2023 - 16:59:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UK Oo Safiir Cusub Usoo Magacowday Soomaaliya

    "Mr Nithavrianakis ayaa xilka la wareegay bisha May ee 2023,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mr Nithavrianakis ayaa xilka la wareegay bisha May ee 2023,"



Xafiiska Arrimaha Dibedda UK ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Michael Nithavrianakis loo magacaabay safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya.

 

Michael Nithavrianakis ayaa beddelaya Ms Kate Foster oo xilkan haysay tan iyo bishii Febraayo ee 2021.

 

Mr Nithavrianakis ayaa xilka la wareegay bisha May ee 2023, sida lagu sheegay qoraalka xafiiska arrimaha dibedda.

 

Michael Nithavrianakis waa diblomaasi rug caddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha dibedda, oo ay ugu dambeysay inuu ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maal-gashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, 2022 illaa 2023.

 

Waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadah UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo Ghana.

 

VOA


Loading...
Loading...