Xidhiidhka Euefa Oo Qiimayn Ku Saameeyey Naadiyada Yurub Iyo Kooxo Kaalmo Sare Helay

0
Sunday June 23, 2019 - 10:43:17 in News by
  • Visits: 1945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka Euefa Oo Qiimayn Ku Saameeyey Naadiyada Yurub Iyo Kooxo Kaalmo Sare Helay

    Xidhiidhka Euefa Oo Qiimayn Ku Saameeyey Naadiyada Yurub Iyo Kooxo Kaalmo Sare Helay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka Euefa Oo Qiimayn Ku Saameeyey Naadiyada Yurub Iyo Kooxo Kaalmo Sare Helay


Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa xili ciyaareed kasta qiimayn ku sameeya kooxaha horyaalada kala duwan waana qiimaynta lagu saleeyo marka la samaynayo isku aadka Champions league iyo Europa League isla markaana qayb dhaqaalaah ka mid ah lagu saleeyo.




Qiimaynta ay kooxi ka hesho UEFA wax wayn ayay la micno tahay waxayna muujisaa heerka ay kooxi ku jirto iyada oo kooxaha sare u kacay ay qiimayn fiican helaan halka kooxaha xili ciyaareedka xun qaatay ay dhibaato ka dhaqlaan dhinaca qiimaynta ah.


Kooxda Barcelona ayaa qiimayntii ugu saraysay ee horyaalka La liga ka heshay UEFA waxayna xiil ciyaareedkii soo dhamaaday ee 2018/2019 kadib markii ay 30,000 dhibcood ay ku sii kordhisteen qiimayntii ay hore UEFA uga haysteen.


Kooxda Valencia ayaa si layaableh horyaalka Spain ee La Liga kaalinta labaad uga soo gashay xili ciyaareedkii soo dhamaaday kadib markii ay horumar fiican sameeyeen waxayna urursadeen 27,000 kun oo dhibcood intii lagu jiray xili ciyaareedkii soo dhamaaday.


Real Madrid oo xili ciyaareed aad u dhibaato badnaa soo qaatay ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay urursatay 20,000 dhibcood oo kaliya halka kooxda Atletico Madrid ay 19,000 dhibcood heshay.


Horyaalka Premier league ayay kooxda Chelsea noqotay kooxda dhibcaha ugu badan ka soo urursatay xili ciyareedkii la soo dhaafay sababtoo ah in ay kaalinta saddexaad ku soo baxday isla markaana ay UEFA Europa league ku soo guulaysatay.


Liverpool oo labadii sanadood ee ugu danbeeyay si layaableh sare ugu soo qaatay qiimayntii liidatay ee ay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay UEFA ka haysatay ayaa xili ciyaareedkii soo dhamaaday waxay urursatay 29,000 dhibcood kadib markii ay kaalinta labaad ee premier leauge ku dhamaysatay isla markaana ay Champions league ku soo guulaysatay.


Holland iyo Champions league ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay urursatay 27,000 dhibcood oo qiimaaynta UEFA ah.


Manchester City oo horyaalka Premier league ku soo guulaysatay ayaa 25,000 dhibcood ka heshay xil ciyaareedkii la soo dhaafay halka Spurs oo kaalinta afraad ku dhamaysatay isla markaana finalkii Champions league soo gaadhay ay heshay 26,000 dhibcood.


Kooxda Arsenal oo kaalinta shanaad kaga dhamaysatay Premier league isla markaana ay soo gaadhay finalkii Europa League ayaa 26,000 dhibcood ka urursatay qiimayntii UEFA ee xili ciyaareedkii dhamaaday.


Kooxaha kale ee dhibco fiican shaqaystay xili ciyaareedkii la soo dhaafay waxaa ka mid ah Juventus (21,000), Bayern Munich (20,000), Paris Saint Germain (19,000) iyo Borussia Dortmund (18,000).

 

Loading...
Loading...