Beesha Caalamka Oo Bayaan Ka Soo Saaray Kulan Ay Muuse Biixi La Yeesheen
Hargaysa (HWN) Saxiibada
Caalamka ee Soomaaliya oo ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub,
Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye,
UK iyo Mareykanka ayaa wada-hadal Khadka taleefonka kula yeeshay madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Bayaan kasoo baxay
Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen
dagaalka magaalada Laascaanood iyo sameynta xooggan ee uu ku leeyahay shacabka,
sidoo kalena ay lasoo qaadeen walaaca ay ka qabaan doorashooyinka dib u dhacay
ee Somaliland.
"Saaxiibada waxay
xuseen in xaaladdan walaaca leh ay si dhab ah u saameyneyso wada-hadallada ku
saabsan la-macaamilkooda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.
"Saaxiibada ayaa walaac
xooggan ka muujiyay rabshadaha iyo iska hor-imaadyada sii socda ee Laascaanood,
kuwaas oo hadda ku jira todobaadkii tobanaad. Saxiibada ayaa rajo ka muujiyay
in amniga iyo badqabka shacabka ay u dub dhexaad u noqon doonaan dhammaan go’aannada
siyaasadeed, waxayna carrabka ku adkeeyeen in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah
loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.”
Bayaanka ayaa intaas ku
daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada
gargaarka bani’aadannimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baahan.
Waxay sheegeen in
farriin taas la mid ah ay la wadaageen dhinacyada kale ee ku lugta leh dagaalka
ee aan aheyn Somaliland.
"Dhinacyada ugu waa
weyn ee dirirtu ay ka dhaxeyso ayaa marar badan si shaacsan u ballan qaaday
xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma aysan fulin ballan-qaadyadaas.
Saaxiibada waxay ku baaqeen dabacsanaan iyo muujinta tanaasul si loo oggolaado
saaxad wadahadal,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxay saxiibada caalamku
sheegeen inay gacan ka gaysanayaan helidda marinno ku wajahan nabad la joogteyn
karo, oo ay ku jirto inay gacan ka gaysanayaan fududeynta wada-hadallada.
"Saaxiibada waxay soo
dhoweynayaan dadaallada iyo hindisayaasha ay wadaan jilayaasha gudaha iyo kuwa
gobolka ee lagu xaqiijinayo xabbad-joojin laguna fududeynayo wada-hadallo,”
ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhinaca kale,
saaxiibada caalamka ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen
muhiimadda horumar deg deg ah oo laga sameeyo doorasooyinka Somaliland.
"Waxaanu ku casuunay
Madaxweynuha inuu daabaco khariidad doorasho, oo uu caddeeyo nidaamka iyo
wakhtiga doorashadu dhacayso, si loo ogolaado diyaargarow farsamo. Tallaabooyin
la taaban karo ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo
sida ugu dhakhsaha badan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Saaxiibada caalamka
ayaa sheegay inay uga mahad-celiyeen madaxweyne Muuse Biixi ballan-qaadyada ku
aadan inuu diyaar u yahay inuu raadiyo nabadda iyo wada-hadalka.
"Waxa kale oo aanu
xusnay ballanqaadka madaxweynaha ee ah in la oggolaado gargaar bani’aadannimo
oo aan la xanibin la gaarsiiyo Laascaanood. Waxaan rajeyneynaa in dhammaan
ballan-qaadyadaas la dhaqan-geliyo,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ugu dambeyn saaxiibada
caalamka ayaa sheegay inay ka niyad-jabsan yihiin in madaxweyne Muuse Biixi
aanu ballan-qaadin in lasoo saaro ciidamada Somaliland ee fadhiggeedu yahay
hareeraha Laascaanood.
VOA