Taariikh Nololeedkii Ex. Xildhibaan Mataan Hoori.
CABDILAAHI Jawaan ayaa
Tariikhdaasi Soo Bandhigay isaga Oo qoraaalkiisa Ku Bilaabay sidan.
Ma Dhinte Waa Allah ee
Waxaa Geeriyooday Allah Ha u Naxariisto Ex. Xildhibaan Hore Aadan Muxumed Hoori
Allamaga ( Mataan ) Isaga oo ku Geeriyooday Hospital-ka Universal ee ku Yaalla
Koonfur Bari Hargeysa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland Galabta oo Taariikhdu
Tahay 25ka Ramadan 1444 Hijrah ama 27ka Seer-mawaydo oo ah Bisha 1aad ee 3da
Bilood ee Gu'ga Sannadka Soomaalida kuna Beeggan 16 April 2023 Taariikhda
Milaadiga.
Allah Ha u Naxariisto
Eh Aadan Muxumed Hoori Allamaga Wuxuu Dhashay 1949 Sida aan Taariikh
Nololleed-kiisa aan ku hayo. Aadan Muxumed Hoori Allamaga Carruurni-modiisii
Wuxuu ahaa Nin aad ugu fiicanaa:Tacliintiisii, Ciyaaraha Kubbadda, Oradada,
Xaragada isaga oo Tusaale Fiican oo Lagu Daydo u ahaan Jiray Qayrkiisa.
Aadan Markii uu Dhamaystay Tacliintiisii
Dugsiga Sare Wuxuu Gallay Kulliyadda Macal-limiinta ee Lafoole. Waxaan
Xusuustaa Mar Walaalkii Ismaaciil oo Wiil u Dhashay oo uu Mataan Waraaq u Soo
Diray kuna yidhi inanka inoo Dhashay waxaad u Bixisaa ( Amistrong Ninkii
American ee ugu Horeeyey Aadame Dayaxa Guudkiisa ku Dega ).
Haddaba Aadan Muxumed
Hoori Allamaga Waxaa Lagu Xusuustaa: in
ahaa Macallin aad u firinfir-coonaa oo aad uga dhex Muuqday Wasaaradda
Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Soomaaliya intii uu Macallinka ahaa, Halgankii
dib u Xoraynta Kaalintii Waafiga ahayd ee uu ku Lahaa isaga oo ahaa Ninkii
Bixiyey Magaca ( S.N.M. ), Mabda Adayg, u Adkaysi Nololshii Jabhadda, Kaalintii
uu ku Lahaa dhalashada iyo dib u dhiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo ugu
Dambayn Kaalintii Hogaamin iyo hal Adayg ee uu ku Shaqay-naayey intii uu ka
Tirsanaa Golahii Dhexe ee 1991 ilaa 1993. Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda
Somaliland 2005 ilaa 31 May 2021.
Haddaba waxaan halkan
tacsi uga dirayaa: Ooridiisii Saynab Cabdillaahi Maxamed Gadhle, Ubadkiisii,
Qoyskiisii, Qaraabadiisii, Asaxaabtiisii, Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo
Ummadda Soomaalida ahba.
Waxaan Allah uga Baryayaa in uu Qabriga u
Waasiciyo una Nuuro, Maalinta Qiyaamaha Xisaabta Allah u Fududdeeyo, Jidka
Siraadna Allah u Sahlo Janatul Fardowsana Hoygiisa Aakhiro Allah ka dhiggo
Samir iyo iimaanna Allah Ha inaga Siiyo Aamiin Aamiin Aamiin, Marxuunka Waxaa
Barri Subax Lagu Aasi Doonaa Xabaallaha Uubaale ee Koonfur Galbeed ee Hargeysa
Loona Yaqaan Masalaha Saacaddu Markay tahay 10ka Subaxnimo iyada oo Salaadda
Jinaasaddna Halkaasi Loogu Tukan Doono.
Tariikhdaas waxa qoray
cabdilaahi Abdi xaaji Omar jawaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!