Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Xaalad Go'doon Ah Ku Jira

0
Sunday June 23, 2019 - 10:33:49 in News by
  • Visits: 2661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Xaalad Go'doon Ah Ku Jira

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Xaalad Go'doon Ah Ku Jira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Xaalad Go'doon Ah Ku Jira

 


Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu soo waramayaa in uu ku jiro xaalad go’doon u eg, waxaana magaalada Dhuuso Mareeb uu joogo Xaaf ka socda kulamo siyaasadeed uusan raali ka aheyn.

Image result for xaaf


Wasiirka maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad Shirwac ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uu ku jiro xaalad go’doon ah, waxa uuna xusay in koox uu aaminay ay qiyaameen aadna uga xun yihiin arintaasi.


Waxa uu sheegay Saciid Siyaad in Madaxweynaha Galmudug ay si xun ula dhaqmeen kooxda Ahlu Sunna uu sheegay in sharaftii iyo karaamadii Galmudug ay ku badasheen waxyar oon micno badan laheyn .


” Waxa uu u go’doonsan yahay dad aan balan laheyn oo horey go’doon ugu jiray , waxaa Madaxweynaha balanta uga baxay koox waxyar oo sandareela ah ku badashay sharaftii Galmudug go’doona galisay ,, ayuu Yiri Wasiirka Maaliyadda Galmudug.


Wasiirka ayaa sheegay in ay hada joogaan Duleedka Dhuuso Mareeb ayna doonayaan in ay magaalada kasoo bad baadiyaan Madaxweynaha Galmudug uu xusay in ay ku caasiyeen koox Wadaado ah oo horey go’doon ugu jiray.


Ciidamo badan oo ka yimid magaalada Gaalkacyo oo doonaya in Madaxweyne Xaaf ka wadaan magaalada Dhuuso Mareeb ayaa ku sugan duleedka magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana ciidankan in magaalada galaan u diiday maamulka Ahlu Sunna.

 

Loading...
Loading...