Dawlad Goboleedka Galmudug iyo Sool,Sanaag iyo Degmada Buuhoodle.

0
Monday April 17, 2023 - 12:10:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dawlad Goboleedka Galmudug iyo Sool,Sanaag iyo Degmada Buuhoodle.

    Milicsi xitaa Beelaha dega Sanaag, Sool iyo Buuhoodle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milicsi xitaa Beelaha dega Sanaag, Sool iyo Buuhoodle



Sool, Sanaag iyo Cayn oo ah Boohoodhle ayaa lasoo gaabshay (SSC).

Qeynuunka Dawladda Soomaaliya ee Federalka Qodobkiisa 49, farqadiisa shanaad (5) wuxuu qeexaya sidaan hoos ku qoran.


Xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalku waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jirey 1991-kii.



Farqada (6) ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.


Waxaan rabaa inaan idin tuso Maamul Goboleedka Galmudug wuxuu ka kooban yahay Degmoyinka Xarardheere, Hobyo, iyo Gobolka Galgaduud, iyo qeyb kamida degmada Gaalkacayo, markii la dhisayey 2006, waxaa muran badan ka tagnaa sharciyada Dhismaha Galmudug laakiin Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo xiligaas soomaaliya madaxweyne ka ahaa ayaa qalinka ku duugay inay sharci tahay in Dhuusamareeb Hobyo, Xarardheere iyo qeyb kamida Degmada Gaalkacayo tahay Dawlad Goboleed buuxa Barlamaanka Federalkana sas ayuu ku sharciyey.


Galmudug sas ayey ku noqtay Maamul Goboleedkii labaad ee Soomaaliya ka asaasma waxaana ka dhismo horeyey Puntland iyo Somalind oo diidan nidaamka Dawladda dhexe.


Dastuurka Galmudug waxaa ku qoran qodobkiisa labaad farqadiisa koowaad sidaan 1,Dhulka DawaladGoboleedka Galmudug, waxa uu ka koobmaa Gobolada Galgaduud iyo Mudug, (Biya badeedka, Berriga iyo hawada sare, Mudug Galmudug waxay ka xukuntaa labo degmo iyo qeyb kamida xarunta Gobolka Mudug waa sida Ceeligaabo, oo kale wey kala qeybsan tahay.


Haddaba Gobolka Sool, oo ay ka maqan tahay Degmada Caynabo, Sanaag,oo seddex meelood labo qeybood ah 3%2, sida Degmada Laasqori Degmada Badhab, iyo qeyb kamida Caasimada Sanaag ee Ceeligaabo. Iyo Degmo lagasoo jaray Togdheer, waa Buuhoodle,e.


Isu geyn "SSC” Dawlad Goboleedka Khaatumo,waxay toos u buuxin kartaa sharuudah (dastuurka) Dawladda Federalka ee Soomaaliya.


Degmooyinka Xuddun, Taleex iyo Laasacaano oo ah Magaalo Madaxda Sool, Badhan, Laasqori, iyo Kala badh/ bar Ceerigaabo caasimada Sanaag, iyo Buuhoodle, sideed (????Degmo, oo ay ku jirto xaruntii Gobolka Sooliyo qeyb kamida Caasimada Sanaag” waxay buuxiyeen dhammaan qodobbadii dastuuri ahaa eeasaasida Dawlad Goboleed xubin ka noqda Dawladda Federalka ee Soomaaliya.


Milicsi xitaa Beelaha dega Sanaag, Sool iyo Buuhoodle mahan hal beel oo kaliya, waxaan ka hadlayna inta hada doonaysaa inay maamul samaystaan.


Dhulbahante, Warsangali, gahayle , Fiqishini, Gabooye,Qabaa,iilladaasi ayaa dega qeybta hada doonaysa inay samaystaan Maamul Goboleed.


Sharciguna waa u fasaxaya.

Cabdinuur Faarax Maxamuud.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...