Rejo baaqatay, iyo han aasmay!.

0
Monday April 17, 2023 - 12:02:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rejo baaqatay, iyo han aasmay!.

    Halawga naftayda iyo burburka soo gaadhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halawga naftayda iyo burburka soo gaadhay



Waa habbeen yara cadda ah, waa milay ay nafluhu ku badhaadhsadeen xays. Madowga habbeenimo wuxuu igu galay qolkayga yar ee dhawr-ka mitir ka ah, koone yar ayaa darbigiisa ku tiirsanahay.Labadayda lugood way soo laaban yihiin, gacamahana lawyada korkoodan isku laabay.


Waxa aan jeedaalinaya daaqadda oo ii kala fayday, iftiinka yar ee kasoo bildhaamaya bisha soo dhalanaysa iyo cirka bilaa caadka ah.



Waxa aan darreemaya in ay maskaxdeydu buuxdo, kama fikiraayo wax dheer oo iga durugsan wax ugub ahna hadalkoodaba daa'.


Halawga naftayda iyo burburka soo gaadhay ayaa igu ah boog aana ka dhaqaaqi karin, dhawaaca iyo dildilaaca gudaheed ee igu kulmay ayaa iiga dhigan jid-gooye aan ka gudbin karin.


Dibnahaygu marabaan in ay kala fuqaan sidoo kale carrabkayga waxa aad moodaa in uu hawshiisi gabay,tabcaan iyo jucjuc aan u salaynayo xaalkaygan laga dayrinaayo ayaa igu lammaan.


Waxa aan doorbiday aamus, deggenaan, iyo eegmo uun. Dhaxanta soo dhacday iyo qabawga kasoo galaayay daaqadda ayaan la jareeyay, dibadda ayaan ka darreemaayay se qalbigayga dab ayaa ka holcaayay, oo gudaha waan ka gubanaayay.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...