Kenya Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Khasaaraha Dhaliyay Ee Suudaan

0
Sunday April 16, 2023 - 12:37:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Khasaaraha Dhaliyay Ee Suudaan

    "Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada militariga dalkaasi, iyo ciidamo xoog badan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada militariga dalkaasi, iyo ciidamo xoog badan"



Kaddib dagaalkii Sabtidii shalay ka dhacay dalka Suudaan, Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa labada dhinac ku booriyay in xal nabadeed ka gaaraan dagaalka.

 

Wuxuu sheegay in uu madaxda gobolka iyo Beesha Caalamkaba kala tashanayo in wadahadal iyo dhexdhexaadin la bilaabo.

 

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada militariga dalkaasi, iyo ciidamo xoog badan ee loo yaqaanno kuwa gurmadka degdeg ah, taasoo keentay cabsi laga qabo afgambi saddexaad oo afar sano gudahood ah inuu ka dhaco Suudaan.

 

Dhowr hoggaamiye oo kale, ayaa soo saaray bayaanno ku saabsan dagaalka Suudaan.

 

Waxaa kamid ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken; Dr Workneh Gebeyehu, xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD; iyo Moussa Faki Mahamat, oo ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

 

Dhammaantood ayaa waxay dalbadeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, isla markaana xal nabadeed laga gaaro.

 

BBC


Loading...
Loading...