Irir Samaale (DDS)

0
Sunday April 16, 2023 - 11:16:59 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Irir Samaale (DDS)

    Sidaas darteed, waa inaad ka dhex muuqataan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaas darteed, waa inaad ka dhex muuqataan,



Waad wada salaaman tihiin.

Ujeeddo: Muddahaardyo Nabadda Waafaqsan


Sida aad la wada socotaan, dhaqdhaqaaq xooggan ayaa guud ahaan Itoobiya ka aloosan, oo inaad ku baraarugsanaataan, oo ku cad-goosataan; oo aan la idinkaga sad-bursannin, ayaa waajib ah - bi idni Allaah.



Sidaas darteed, waa inaad ka dhex muuqataan, oo dhawaaqyadiinnu ay meel sare gaadhaan, oo cududdiinna aad ku muujisaan; oo rabitaankiinna aad ku soo bandhigtaan; oo awooddiinna si sharci ah aad shaaracyada ugu soo saartaan; oo ummad dalka iska leh, oo hoggaamintiisa iyadu xaq u leh, oo maamuliddiisa iyadu u heellan, oo ka talintiisa iyadu heegan u ah inaad tihiin, waa in Reer Itoobiya iyo caalamku ba wada arkaan, oo wada ogaadaan - bi idni Allaah.


Muddaharaadyo nabadda waafaqsan, oo Jigjiga ka dhaca, oo dhammaan gobollada DDS ka wada siraata, waa inaad hadafkiinnaas, hankiinnaas iyo himiladiinnaas, waa inaad ku soo bandhigtaan - bi idni Allaah.


IririyoOromo (IROR), guul – bi idni Allaah.

Tixgalin mudnan badan leh.

Maxamed Sheekh Daahir


[email protected]

tashiwanaag.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...