Ardayda Somalida Ah Ee Suudaan Ku Sugan Oo Sheegay Inay Xaalad Adagi Haysato

0
Sunday April 16, 2023 - 08:55:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda Somalida Ah Ee Suudaan Ku Sugan Oo Sheegay Inay Xaalad Adagi Haysato

    "Duqeyn Xooggan Ayaa Nagu Socota, Guryaha Kama Bixi Karno"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Duqeyn Xooggan Ayaa Nagu Socota, Guryaha Kama Bixi Karno"


 


 

Caasimadda dalka Sudan ayaa waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo ciidamo gaar ah oo loo yaqaano Dacmu Sariic ama gurmadka degdega ah.

 

Labada ciidan ayaa daacad u kala ah Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah labada nin ee ugu awoodda badan Sudan.

 

Xaaladda Khartuun ayaa ah mid cakiran, waxaana uu dagaalka xooggiisa ka dhacay garoonka diyaaradaha, inkastoo milateriga uu sheegay inuu si buuxda gacanta ugu hayo madaarka.

 

Soomaali u badan arday ayaa ku nool Khartuum, waxaana kamid ah Axmed British oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadiisa.

 

Waxa uu sheegay in lama filaan ay u ku noqotay in dagaal culus uu ka qarxo gudaha Khartuun xilligan, gaar ahaan iyadoo lagu jiro tobanka maalmood ee u dambeeya bisha Ramadhaan.

 

"Duqeyn xooggan ayaa nagu socota, guryaha kama bixi karno. Layr iyo biyo waan haysannaa, balse lama oga sida uu xaalka noqon doono. Dadku waa ay ka walaacsan yihiin waxa socda,” ayuu yiri Axmed British oo sidoo kale Sudan uga soo warrama Telefishinka dowladda Soomaaliya.

 

Waxa uu intaa ku daray in ilaa haatan aan la sheegin cid Soomaali ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka, ardayduna ay ku sugan yihiin guryaha jaamacadaha iyo deegaannadooda.

 

Hawlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka, dhaawacana uu intaa ka badan yahay.

 

"Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweyne Cumar Al-Bashiir, waxaa aad isu dhintay tirada ardayda Soomaalida ah ee Sudan wax ka barata. Waxaan kamid ahay dufcadaha ugu dambeeya ee ka sii tegaya jaamacadaha Sudan,” ayuu hadalkiisa raaciyay weriye Axmed British.

 

Jaamacadaha Sudan ayaa waxaa ka soo baxay Soomaali badan oo qaarkood ay maanta xilal muhiim ah ka hayaan dowladda Soomaaliya.

 

BBC


Loading...
Loading...