Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Sudan Iyadoo La Maqlayo Jugta Madaafiicda Culus
Jugta madaafiicda culus
ayaa aroornimadii Axadda maanta ah laga maqlayay Omdurman, oo kaabiga ku haysa
magaalada Khartoum, iyo Bahri oo iyadana ku dhow. Goob joogayaal ayaa sidoo kale
sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla badda cas.
Dadka deggan Khartoum
ayaa BBC-da u sheegay inay argagax iyo cabsi ku dhacday iyadoo mid ka mid ah uu
tilmaamay in rasaas lagu soo riday guriga deriska la ah.
Dhinaca kale, ugu
yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska horimaad culus oo u
dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah kaas oo ka dhacay caasimadda
Suudan ee Khartoum. Dagaalada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka
mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn.
Dagaalka ayaa bilowday
xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.
Labada dhinac ayaa
midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka
diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga
la dagaallamaya.
Xooggaga Dacmu Sariic
ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan saddex garoon, hooyga taliyaha ciidamada
iyo madaxtooyada, hase yeeshee waxaa sheegashadaas beeniyay hoggaamiyaha Sudan,
Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo u warramay telefishinka Al-Jazeera.
Labada janan ayaa wixii
ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka
kooban taliska milateriga.
Xooggaga Dacmu Sariic
waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal
Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax
al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.
Heshiis ku aaddan in
xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada
janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo
milateriga Sudan.
Ciidanka gaarka ah ayaa
doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa
doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.
Beesha caalamka ayaa
muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka
loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.
Maraykanka iyo Britain
ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan
yahay in xaaladda la dejiyo.
BBC