Shaqaale Mudo Afar Bilood Ah Raadinaya Mushaharkoodii Iyo Wasaarada Caafimaadka Oo Sabab La,aan Ku Haysata

0
Saturday April 15, 2023 - 23:43:57 in News by Abdi Good
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaale Mudo Afar Bilood Ah Raadinaya Mushaharkoodii Iyo Wasaarada Caafimaadka Oo Sabab La,aan Ku Haysata

    Shaqaale Mudo Afar Bilood Ah Raadinaya Mushaharkoodii Iyo Wasaarada Caafimaadka Oo Sabab La,aan Ku Haysata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaale Mudo Afar Bilood Ah Raadinaya Mushaharkoodii Iyo Wasaarada Caafimaadka Oo Sabab La,aan Ku Haysata

Umulisooyinka iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee ka hawlgala xanaanooyinka gobolka Maroodijeex ayaa mudo afar bilood ah sugaya mushaharkii ay ku shaqaynayeen.

Warar rasmi ah oo hada I soo gaadhay ayaa xaqiijinaya in hay’adda UNFPA oo bixinaysay mushaharka shaqaalahani ay lacagtoodii ugu soo shubtay xisaabaadka wasaarada caafimaadka uga furan baanka Dahabshiil balse masuuliyiinta wasaarada ayaa ku guuldaraystay inay shaqaalahan gaadhsiiyaan xuquuqdooda.


Ilaa hada ma jirto sabab ay wasaarada caafimaadku sheegtay in loo haysto xuquuqda shaqaalahan u adeega hooyooyinka uurka leh iyo kuwa umulaya.
Wakhti ay dalka ka jirto xaalad dhaqaale xumo oo baahsani ayaanay ku soo beegmaysaa sababta la,aanta ay masuuliyiinta wasaarad caafimaadku mudo afar bilood ah u haystaan mushaharkii shaqaalahan.
May be an image of 1 person and text that says 'UNFPA'

Loading...
Loading...