Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Soo Xidhay Shirkii Gorfeynta Hay'addaha Maaliyadeed Ee Dalka+Sawiro

0
Sunday June 23, 2019 - 10:24:01 in News by
  • Visits: 3164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Soo Xidhay Shirkii Gorfeynta Hay'addaha Maaliyadeed Ee Dalka+Sawiro

    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Soo Xidhay Shirkii Gorfeynta Hay'addaha Maaliyadeed Ee Dalka+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Soo Xidhay Shirkii Gorfeynta Hay'addaha Maaliyadeed Ee Dalka+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta soo xidhay Shirkii lagu gorfaynaayey horumarinta hay’addaha maaliyadeed ee dalka, shirkani oo uu labadii casho ee u danbeeyey ka socday magaalada hargeysa ayaa lagu gorfanayey nidaamka hay’addaha maaliyada ee ka hawl gala Somaliandsida Shirkadaha iyo Baananka.

Image may contain: 1 person, suit and text

Image may contain: 8 people, people smiling, suit
Image may contain: 6 people, wedding

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Cali Ibrahim Jaaamac (Baqdaadi) oo halkaasi ka hadlay ayaa akhriyey qodobadii muhiimka ahaa ee kasoo baxay shirkaasi uu maalintii shalay ahayd daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo laysugu keenay aqoonyahano fara-badan kuwaasoo naaqishay hannaanka Baananka iyo Shirkadaha Maaliyada ee ku sugan Somaliland, waxaana uu Gudoomiyahu Warbaahinta la wadaagay maxsuulka kasoo baxay shirkaasi oo ka koobnaa dhawr qodob.


Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in wada tashi laga yeesho horumarinta guud ahaanba dhaqaalaha waddanka si kor loogu qaado nolosha muwaadiniinta Somaliland, sidoo kalena loo korin lahaa guud ahaanba dhaqaalaha waddanka.

Image may contain: 2 people
Image may contain: 1 person
Image may contain: 4 people, people sitting
Image may contain: one or more people and text

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan saylici waxa uu fariin u diray Shirkadaha waa weyn ee dalka kuwaasi oo uu ugu baaqay inay sameeyaan maalgashiyo waa weyn oo warshadeed, islamarkaana ay abuuraan shaqo abuur dhalinyaro si looga hortago shaqo yarida dhalinyarada Somaliland haysa.

 


Loading...
Loading...