Beesha Caalamka Oo Sicad Muuse Biixi Ugu Sheegtay In Ciidankiisa Uu Ka Fogeeyo Laascanood & Jawaabta Uu Bixiyay

0
Saturday April 15, 2023 - 17:54:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo Sicad Muuse Biixi Ugu Sheegtay In Ciidankiisa Uu Ka Fogeeyo Laascanood & Jawaabta Uu Bixiyay

    "waxa uu ku wargeliyey Safiirrada in Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa uu ku wargeliyey Safiirrada in Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland"



Hargaysa (HWN) Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) kulan kula yeeshay safiirro, safiir ku xigeenno iyo diblumaasiyiin ka tirsan waddammada kala ah;- Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, United Kingdom, United States of America iyo Wakiil European Union, waxaana kulankaasi lagaga hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa iyo doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland.

 

War ay madaxtooyada Somaliland kulankaasi ka soo saartay ayaa lagu yidhi "Safiirada Beesha Caalamka ayaa u soo jeediyeen Muuse Biixi in ciidanka uu ka durkiyo magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool, balse soo jeedintaasi ayuu Muuse Biixi ku xidhay shuruud ah In Maamulka Puntland kala baxo magaalada Laascaanood Ciidanka, hubka iyo Taangiyada.

 

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyey Safiirrada in Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed saamayn-doona waddamo kale oo ka mida Afrika.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

 

Dhinaca kale intii kulankani uu socday ayay safiiradu wax ka waydiiyeen Muuse Biixi waxa uga qorshaysan qabashada doorashada "Madaxweynuhu waxa uu  uga war-bixiyey safiirrada Arrimaha Doorashooyinka, isagoo u sheegay in ay xukuumaddu hore diyaarisay wixii kharashaad kaga aaddanaa doorashooyinka, isla markaana in masuuliyadda qabashada Doorashooyinka uu u xilsaaran yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranku” ayuu lagu yidhi warka Madaxtooyada.

 

Beesha Caalamka ayaa Muuse Biixi ku khasbaysa in uu ciidankiisa uu ka fogeeyo magaalada Laascanood, kaasi oo ah codsi hore ay usoo jeediyeen garaadada beesha Dhulbahate, balse weli Muuse Biixi ayaa ka meeraysanaya dalabkaasi


Loading...
Loading...