Xildhibaan Soo Jeediyay In Danyarta Hargaysa Laga Warhayo.

0
Saturday April 15, 2023 - 12:56:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Soo Jeediyay In Danyarta Hargaysa Laga Warhayo.

    "Waxa jirta bulsho aanay cidina u maqnayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa jirta bulsho aanay cidina u maqnayn"



Hargeysa (HWN):-Xildhibaan Axmed Dayib  (ku  Caddeeye) oo ka tirsan  Golaha Wakiilada ayaa soo jeediyay in la kaalmeeyo oo laga  warhayo dadka danyarta.

 

Axmed Dayib ku  Caddeeye ayaa sheegay in bulshada xil  ka saaran yahay dadka  maqalka naafada ka ah,isla,maarkaana loo baahanyahay in la baro culuumta diiniga.

 

Axmed Dayib  oo arimhaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi "Waxa jirta bulsho  aanay  cidina u maqnayn waana dadka maqalka  naafada ka ah xil ayaa innaga  wada  saaran,waa dadka  maqalka naafada  ka ah,waxaanay u baahanyihiin  in kitaabka la baro, masuuliyiintuna waa in ay wax iska waydiiyaan,".

 

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa u soo jeediyay in wax layska waydiiyo bulshada danyarta ee  dayacan "Waxaanan  soo jeedinayaa oo  masuuliyadi innaga saarantahay  xaafadaha dadka danyartu  ku badantahay, waa  in aad  looga warhayo, taasina waxa ay inooga baahantahay  in aynu wax  iska waydiino bulshadaa  dayacan iskama  bixin karaan iskuulada,".


Loading...
Loading...