Dadka israeliyiintu waxay ciidankooda u haystaa in uu yahay ka ugu wanaagsan ee ugu akhlaaq fiican dunida.

0
Saturday April 15, 2023 - 11:19:28 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka israeliyiintu waxay ciidankooda u haystaa in uu yahay ka ugu wanaagsan ee ugu akhlaaq fiican dunida.

    Hadaba dadka israeliyiinta (yuhuuda) ahi maxay rumaysan yihiin?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba dadka israeliyiinta (yuhuuda) ahi maxay rumaysan yihiin?



Dadka israeliyiinta ( yuhuuda) waxay u haystaan in ciidankoodu uu yahay ka ugu wanaagsan ee ugu akhlaaqda fiican dunida.

Hadaba waayo ?

Sidee suurto gal u tahay in ay waxaas aaminsan yihiin ? iyada oo maalin kasta warbaahinta caalamka oo dhan laga wada arkaayo dhaqan xumada iyo ficilada dhaqanka insaaniyada ka baxsan ee ay kula kacayaan Dadka ay dhulkoodii ka qaadeen ee ay gumeysiga foosha xun ku hayaan ee ay dilayaan dumarka iyo carruurta iyo odayaasha ee ay wadooyinka ku tooganayaan ee xabadda ay la dhacayaan iyada oo aan amar maxkamadeed jirin iyo dhaawacyada iyo xadhiga ay ciidankoodu shacabka falastiin ta u geysanayaan ee joogtada ah ee muqadasaadkoodii iyo kii muslimiinta u geysanayaan ee sharciyada banii aadamka ka baxsan.



 

Hadaba dadka israeliyiinta (yuhuuda) ahi maxay rumaysan yihiin? Maxayse sidan u rumaysan yihiin?

Waxay rumaysan yihiin in ciidankoodu yahay ka dunida ugu wanaagsan ee ugu akhlaaqda fiican

Hadaba waayo? Maxaa arintaa sababay?


1 - waxay israeliyiintu rumaysan yihiin in ay yihiin dadkii ilaahay ka doortay umadaha aduunka ku nool oo dhan oo dadka intiisa kale loo sameeyay in ay iyaga u shaqeeyaan oo adoon unoqdaan.


2- waxay rumaysan yihiin in dadka iyo umadaha aduunka oo dhan ay cadaw u yihiin oo ay doonayaan in ay xasuuqaan oo dabar tiraan , gaar ahaan Carabta iyo muslimiinta oo dhami. ( irir iyo diin ahaan nacayb).


3- waxay rumaysan yihiin in in ay iyagu dhulka Falastiin ay iska leeyihiin oo dadkan sheeganayaa ( waa falastiin ta) ay qaxooti meelo kale ka soo qaxay ay yihiin oo iyagu ay yihiin falastiintii dhulkan iska lahayd.


4- waxay rumaysan yihiin in dadka falastiin-ta sheeganayaa ay yihiin dad aan lala noolaan karayn oo dil iyo burbur iyo nacayb noloshooda oo dhami tahay.


Sidaas awgeed ay tahay in la dilo oo xoog iyo awood lagu muquuniyo oo la laayo oo la qaxiyo oo guryaha laga dumiyooo la xidh xidh iyo waxyaabo

kale oo xun lagula dhaqmo.


5- waxay rumaysan yihiin in sidii loo galay ( hitler yuhuuda u xasuuqay) ) dagaalkii 2-aad iyo xasuuqii loo gaystay

Aanu sharci qabanayn wax kasta oo ay sameeyaan.


6- waxay rumaysan yihiin in aanay dadka falastiin-ta ahi aanay ahayn dad la siman oo iyaga oo kale ah oo xuquuq leh ( xuquuqal insaan leh)


Waa dad iyaga ka hooseeya) adoon oo kale.


7- waxay rumaysan yihiin in dalka israa'iil uu yahay dal Dimuqraadiya oo doorashooyin ka dhacaan oo axzaab badan leh oo xuquuqal insaanka la ilaaliyo oo ah dal xoog ciidan leh iyo mid dhaqaale-ba oo ah dalka bariga dhexe ugu fiican dhinac walba.


8 -waxay rumaysan yihiin in warbaahintoodu xaqiiqada ka hadasho oo ay tahay mid madax banaan , Laakiin arimaha falastiin-ta aanay waxba ka sheegin


Warbaahinta caalamka (USA iyo reer galbeedka) oo wax kasta ku taageersan yuhuuda iyo ficiladooda xun oo dhan oo indho la'aan ah iyo xaq daro ku shaqeeya.


 

Hadaba dadkan(israeliyiinta) yuhuuda ahi miyay waalan yihiin?

Oo waxba ma oga oo lama socdaan?

Mise ogaan ayay isaga indha tirayaan ?

Iyaga oo nolosha ugu fiican dunida ku nool oo ay falastiin-tu ku nooshahay

nolosha dunida ugu xun oo aan jiirku ku noolayn?

Hadaba xaqdaradaasii ilaa goorma ayay socon karaysaa?

Oo dunidu Sidaas u daawanaysaa?


Dunidan ku qaylisa xuquuqal insaanka iyo horumarka iyo wada noolaanshaha iyo cadaalada meeday?

 

Israeliyiintu waa inay ogolaadaan in ay wada noolaadaan dadka falastiin-ta ah oo ay isku xuquuq noqdaan oo sharciga u wada sinaadaan.


Ama in ay u ogolaadaan in ay 2-bo dal kala noqdaan oo jaar ah ?

Hadii kale , weligeed sidanu sii socon kari mayso

oo suurto gal maaha in dulmiganu sidaas u sii socdo.

Israeliyiintu (Yuhuudu waa inay xal keentaa ?


 

 

 

 

Cali Maxamed Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...