Somaliland maxay ka faa'iiday wada hadaladii somaliya?
Somaliland ka dhigaysay maamul goboleed somaliya ka mid ah oo beesha
Somaliland markii ay ogolaatay wada hadalii somaliya ee 2012-kii ayay Somaliland ogolaatay in ay heshiis ula gasho somaliya oo ay ka tanaasusho ictiraafkii iyo madax banaanidii iyo gooni isutaagii ay ku doonaysay oo oqaadatay in ay ka mid noqoto maamul goboleedyada somaliya ee dib loo wada heshiisiinaayo
Oo ay beesha caalamka ay faraha kala baxday arrintii Somaliland iyo ictiraaf raadinta,
Oo dal kastaaba Somaliland ugu jawaabay ( idinku soo wada hadla oo wax ku soo heshiiya) .
Sidaas awgeed dal ictiraafayaa Somaliland ma jiro
inta wada hadaladu u socdaan Somaliland iyo somaliya.
Somaliya maxay ka rabtaa wada hadalada ee uga faa'iido ah ?
1-dawladii sh shariif , iyada oo ah somaliya dawlad ku meel gaadh ah oo caalamku u aqoonsan yahay ,
ayaa ay Somaliland wada hadalo yeesheen.
Sidaas ayay somaliya kaga baxday dawladii ku meel gaadhka ahayd oo beesha caalamka u aqoonsatay in ay tahay dawlad.
2- madaxweyne Xasan Sheekh xiligiisii
markii uu doonaayay in uu hawada somaliya dib ula soo noqdo
Wada hadalo ayuu la galay xukuumadda somaliland Oo uu ogolaaday in hawada xarunteeda lagu soo wareejiyo Hargeysa, sidaas ayaa loogu ogolaaday in ay somaliya hawadeeda kula soo noqoto
( arinkiina sidaas ay beesha caalamka ugu ogolaay somaliya in hawadeeda dib loogu soo celiyo heshiiskaas waxba kama suurto gelin oo Muqdisho ayaa lageeyay arinkii) .
3- MAANTA distuurka somaliya waaa qabyo qoraal
Markaa marka ay wada hadadu qabsoomaan (Somaliland iyo somaliya) ayuu qabyo qoraalka kaga baxayaa distuurka xukuumadda Muqdisho.
( khiyaamadaas ayay uga dan leedahay xukuumadda Muqdisho) wada hadalada.
Hadaba Somaliland ma ogtahay qorshaha somaliya?
Iyo ujeedada wada hadalada?
Heshiisyadii hore oo dhan wax laga fuliyay dhinaca somaliya ma jirto .
Hadaba haddii aan heshiis qudha xukuumadda Muqdisho fulin oo ka fulin
Maxaa heshiisyo danbe loola geleyaa?
Oo la wada hubo in aan waxba ka fulayn ?
Heshiisyadii ay Somaliland iyo somaliya wada galeen , maxaa uga qabsoomay?
Waa waxba , heshiis qudha Muqdisho ma fulin.
Maxaa faa'iido ah ee ugu jira Somaliland wada hadalada somaliya?
Wax guda oo ay ka faa'iiday ma jirto Somaliland wada hadaladii hore , ee ay somaliya la gashay.
Kuwa soo socdana waxba ka faa'iidi mayso.
Hadaba Somaliland maxay u geleysaa wada hadalada hadii aanay waxba ka faa'iidayn?
Waxay Somaliland u geleysaa wada hadalada, siyaasiyiinta Somaliland ayaa ah qaar ku guul daraystay siyaasdda arimaha gudaha iyo siyaasada arrimaha dibedda oo aan siyaasad iyo sida ay u shaqeyso
Waxba ka garanayn .
Siyaasiyiinta Somaliland ma oga , mana fahansana in ay qalad siyaasadeed galeen oo ay hayaan wadadii qaladka ahayd
Ee Somaliland ka dhigaysay maamul goboleed somaliya ka mid ah oo beesha caalamku u arkayso dib u heshiisiin laba maamul ka dhexeysa.
Guul darooyinka siyaasiyiinta Somaliland ayaa sababtay in wada hadalada ay noqdaan qaar ma dhalays ah oo aan dani ugu jirin Somaliland iyo gooni isutaagii iyo dawladnimadii somaliland iyo madax banaanidii iyo ictiraam raadintii.
Wada hadaladan iminka bilaabmayaana
waa guul daro kale iyo wakhti lumis iyo madadaalo Somaliland lagu sameynaayo. Oo aan dani ugu jirin , oo shacabka la maaweelinaayo.
Laakiin waxa hubaal ah , in somaliya aanay weligeed ictiraafi doonin Somaliland.
Heshiis ay Somaliland la gashona aanay fulinayn.
Hadaba maxaa uga faa'iido ah Somaliland wada hadal kan ee ugu jira?
Cali Maxamed Biixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...