Cuno Yaraanta Iyo Culeyska Dhaqaaluhu Ma Wax Somaliland U Gaar Ah Baa ?
Hay'ada cunada aduunka ee Wfp waxa ay ku qortey bogeega in
uu sanadkani 2023 dadka cuno yaraanta iyo nafaqo daradu soo foodsaari doonto
aduunku lagu qiyaasay 354.2 million oo
qof oo labanlaab ka badan xadigii ay ahayd sanadkii 2020 waxii ka horeeyey
saameyntii xanuunkii covid19.
In ka badan 900,000 kun oo qof ayaa la daalaa dhacaya
macaluul daran taasi oo toban goor ka badan intii ay ahayd shan sanadood ka hor
, waxaa kuu muuqanaya in aduunku uu sii xumaanayo.
Waxa warbixinta lagu sheegay in aanay bulshada caalamku ku
guul dareysan doonin hiigsiga cidhib tirka gaajada iyo cunoyaraanta aduunka ee
sanadka 2030.
Colaadaha , isbadelka cimilada , kor u kaca maceeshada ,
arimahani oo is biirsaday ayaa abuuray cuno yaraan iyo macaluul aan aduunka
hore loogu arag oo lagu qiyaasay 828 million qof hadii ay mar wax cunaan
sadexda wakhti aanay hubin wajhtiga xiga in ay helayaan cuno.
Dhinaca Dhaqaalaha Aduunka.
Guud ahaan aduunka waxa ka taagan xaalado dhaqaale yari oo
laga dareemayo dalwaliba arimahani oo ay sabab u yihiin colaadaha aduunka ku
huraya ee sida Ukraine iyo Russia oo wada saameysay aduunkii .
Cabsi laga baqayo in hirdanka quwadaha aduunku sababo
dagaalo waaweyn oo dhaca oo dalwaliba dib isugu tashaday si loo helo xal iyo
kaydad lagaga gudbi karo mashaakilka aduunka ku soo beegan.
Arimahani marka loo eego waxa ay saameyn ku yeesheen
dhaqaalaha dalwaliba oo aduunka ah jamhuuriyada Somaliland na ha kaba sii
xagjirto e .
Isku soo wada xoori waxa maanta aduunka ka taagani waxa uu u
baahan yahay in lagaga gudbo adkeysi , iskutashi iyo wax wada qabsi si looga
badbaado dhibaatooyinkaasi taagan iyo halista ay ku yeelanayaan nolosha
aduunyada.
XAALADAHA DAGAALKA LAAS-CAANOOD IYO SAAMEYNTA DHAQAALAHA
SOMALILAND.
Waa hubaal in hadii dagaal la galo uu saameeyo dhaqaalaha
qof ilaa qaran oo si toos ah iyo si dadbanba uu u saameeyo , haseyeeshee waxaa
loo baahan yahay qorshe qaran iyo siyaasad lagaga gudbi karo wax walba oo dalka
ku soo fool leh.
Dhinaca miisaaniyada qaranka marwalba waa ay sii korodhaa
sida aynu ku aragnay jaantusyada iyo buugta miisaaniyada , inkasta oo qaranka
in dayn badan lagu leeyahay uu sheegay wasiirka maaliyadu sanadkii hore.
Waxaa sidoo kale aan waxba laga fulinin garoocis
miisaaniyadeedkii ay sameeyeen golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland
sanadkii tagey oo ilaa hadda aan si cad qaranka loogu sheegin miisaaniyada lagu
dhaqmayaa ta ay tahay.
Isku soo wada xoori dalka aynu Jaarka nahay ee Ethiopia
waxaa soo foodsaaray sanadihii ugu dambeeyay ee colaada Tigray taagnayd
cunoqabateyn dhaqaale oo aduunka iyo dawladaha qaadhaan bixiyayaashu siin
jireen dalkaasi , waxaa sidoo kale hoos u dhacay dhaqaalaha dalka Ethiopia,
waxaa fuuley culeys weyn oo dhinaca diblomaasiyada ah.
Waxaa aynu xasuusanaa in dawlada Ethiopia xidhay
safaaradihii dibada waxii aan u muhiim aheyn , sidoo kale aduunka dhinaca ay is
hayaan maaha e dhinacyadii kale gurmad ka raadsatay iyo taageero.
Dhamaan hawlahani waxa lagaga gudbi karaa hal adeyg iyo isku-tashi
qaran ilaa qoys si looga badbaado dhibaatooyinka aduunka iyo dalkeenaba ka
taagan xiligani oo ay aloosan tahay mid ka mid ah colaadaha Geeska Africa ugu
halista iyo khatarta weyn oo ka taagan Laas-caanood.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!