Kenya Oo 'Ka Xumaatay' Hadal Ka Dhan Ah Ruto Oo Kasoo Yeedhay Ku Xigeenka Qaramada Midoobay
Kenya ayaa "ka
xumaatay" hadallada ku saabsan madaxweyne William Ruto oo la sheegay inay
kasoo baxeen ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, kuwas oo ku soo
baxay dukumeentigii sirta ahaa ee Mareykan, kaas oo si qarsoodi ah loo dusiyay,
sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenyan ah Jimcihii.
BBC-da oo soo xiganaysa
dukumeentiga la faafiyay ayaa toddobaadkan sheegtay in Aamina Maxamed ay u
sheegtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres bishii February
in Ruto uu yahay 'mid aan naxariis lahayn' oo aanay ku kalsoonayn.
Nairobi ayaa xuddun u
ah hawlgalada Qaramada Midoobay.
Korir Sing'oei, oo ah
sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa mar wax laga
weydiiyay hadalka Aamina Mohammed, waxa uu ku tilmaamay 'mid laga xumaado',
isagoo sidoo kale xusay in "Kenya ay aad u neceb tahay inay si qarsoodi ah u
duubto madaxda Qaramada Midoobay”.
Sing'oei ayaa sheegay
in Ruto uu sii wadi doono dadaalkiisa caalamiga ah ee wax ka qabashada
isbedalka cimilada, dib u habeynta hay’adaha maaliyadeed ee caalamka iyo inuu
hormuud ka noqdo arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.
Afhayeenka Qaramada
Midoobay Stephane Dujarric ayaa Jimcihii sheegay in "si khaldan looga been
sheegay" hadalka Aamina Maxamed, "lagana saaray nuxurka macnaha
guud".
Safiirka Kenya u
fadhiya Qaramada Midoobay, Martin Kimani, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee
Reuters Jimcihii inuu la hadlay Guterres iyo Aamina Maxamed "si ay u caddeeyaan
waxa ay walaac ka qabaan” iyo in ay u muujiyaan diidmada Kenya ee la socodka
dhaqdhaqqyada xog-hayaha guud.
VOA