Ujeedada Shir Somaliya, Itoobiya Iyo Talyaaniga Ku Dhexmaray Addis Ababa

0
Friday April 14, 2023 - 18:32:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Shir Somaliya, Itoobiya Iyo Talyaaniga Ku Dhexmaray Addis Ababa

    "Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxa ay ka arrinsanayaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxa ay ka arrinsanayaan"

 



Addis Ababa, Abriil 14, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

 

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxa ay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo la gorfeynayo xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalkan.

 

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, sidoo kale dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.

 

DHAMMAAD


Loading...
Loading...