Xildhibaan Axmed Khaliif Oo Raaligelin Siiyay Muuse Biixi.
"waan ka xumahay madaxwayne khalad iga dhacay ayuu ahaa ee iskakay cafi"
Hargaysa (HWN) Xildhibaan
Axmed Khaliif oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland ayaa raaligelin siiyay
Muuse Biixi Cabdi oo uu hore ugu sheegay in uu yahay Beenaale. "Hadalkaygii ahaa Madaxwayne been ayaad
sheegaysaa, Waan kaa Raali-galinayaa adiga iyo caruurtaadaba, waan ka xumahay
madaxwayne khalad iga dhacay ayuu ahaa ee iskakay cafi” ayuu xildhibaanku yidhi
mar uu uwaramayay MMTV.
Xildhibaanka ayaa ka
hadlayay Xaalada Laascanood xilgii uu Muuse Biixi ku sheegay in uu yahay
Beenaale.
Loading...
Loading...