Odinga Oo Ku Dhowaaqay Inay Dib U Billaabayaan Dibadbaxyada
Mucaraadka Kenya ayaa
Khamiistii ku dhowaaqay in dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda ay dib u
billaabmi doonaan kadib bisha barakeysan Ramadan, inkasta oo uu jiro heshiis
wadahadal oo ay kula jiraan xisbiga talada haya.
Hoggaamiyaha mucaaradka
Raila Odinga, oo ka ka qeyb-galay kulan ka dhacay caasimadda, ayaa sheegay in
waqtiga dib u billaabashada dibad-baxyada lagu dhowaaqi doono kadib Ramadaanka
oo la filayo inuu dhammaado Jimcaha soo aadan.
Waxaa la qorsheeyey
dibadbax ka dhacaya barxadda taariikhiga ah ee Kamukunji ee caasimadda,
halkaasi oo nidaamka xisbiyada badan looga dhowaaqay sagaashamaadkii.
Mucaaradka ayaa horey
dibadbaxyada u agaasimay laba jeer toddobaadkii, kuwaasi oo ay ku dhinteen afar
qof, islamarkaana horseeday in la xiro ganacsiyada faras magaalaha.
Intii ay socdeen
dibad-baxyada, macbadyo ku yaalla deegaanka uu ku xooggan yahay Odinga ee
Kibera iyo hanti ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa dab
la qabadsiiyey.
Dibadbaxyada ayaa looga
dan lahaa in dowladda lagu cadaadiyo inay hoos u dhigto sare u kaca qiimaha
nolosha iyo in guddiga doorashada ay dib u furaan kombuyuuterada doorashada
2022, oo mucaaradka ay diideen inay aqbalaan natiijadeeda.
Madaxweyne William Rut,
oo la shaaciyey inuu ku guuleystay doorashooyinkaas, ayaa khudbad uu jeediyey
2-dii April wuxuu ku booriyey mucaaradka inay joojiyaan dibadbaxyada, ayna
ogolaadaan wadahadallada.
Odinga ayaa kadib
hakiyey dibadbaxyada, waxaana labada dhinac ay magacaabeen koox siyaasiyiin ah,
kuwaasi oo eegaya arrimaha ay soo jeediyeen mucaaradka.
Hase yeeshee mucaaradka
ayaa maalmihii dhowaa ku eedeeyey dowladda inaysan ka go’neyn islamarkaana dhab
ka aheyn wadahadallada, ayaga oo su’aalo ka keenay shaqsiyaadka ay soo
magacaabeen xisbiga talada haya oo ay ku jiraan xubno horey uga soo goostay
mucaaradka.
Odinga ayaa hadda
sheegaya in dibadbaxyada ay garab socon doonaan wadahadallada.
Mucaaradka ayaa ku
baaqaya in wadahadallada ay ka qeyb galaan saamileyda kale sida bulshada
rayidka, hase yeeshee xisbiga talada haya ayaa ku adkeysanaya in hanaankan uu
noqdo mid baarlaamaani ah.
Safiirada reer
galbeedka iyo kooxaha bulshada rayidka ayaa ku baaqay is-xakameyn iyo
wadahadallo intii ay socdeen dibadbaxyada.
VOA