Waaba Tii Oo Lax Qalatay ( Abdi-Shotaly).

0
Friday April 14, 2023 - 10:13:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waaba Tii Oo Lax Qalatay ( Abdi-Shotaly).

    Labadda Caydhinka Ku Qayb-Sadaa, Bisaylka Iskuna cawryaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadda Caydhinka Ku Qayb-Sadaa, Bisaylka Iskuna cawryaan.



 

Waxa la yidhi " Meeshii Illaah wax ka wado, dameero baa weylo dhala'e" Waxan maanta qoraal-kaygan ugu furey maah-maahdan sabata ah, wax uu Rabbi ka shifaayo,cid qarin kartaa ma jirto, waxana ay bilaabantaa oo is kashifa, kuwii wax wadda qasanaayey, oo iyadoon meel kale looga iman ay dhex-doodda minor ka dhex qaraxdaa. Akhristaw waad la socotaan in ay " Xaafad-tooyaddii" Ay labadda Askari " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximani" ka bothering jireen iyo kuwii ay ku odhan jireen "Shimbira-yahaw heesa"  waa golaha jaariyadaha u adeega, ee uu beel walba kii ugu liitay ka soo xushaye, sidda Bakhti-Dhego Weyn, Geenyo-shaaximan, Saallo -Xero-Keenka ( Ina Cali Bile),Ali Bacaac ( waa ka ay ku sheegaan Cali mareexaane), Kitaab-yare, Nabane (ka Maaliyadda) Iyo qaar ka sii liite oo kolba qof gadlay la yidhaaho u jawaaba, sidda Buuni, Hilible Xasan Shahar, Bukhaari, Xinif, Daba-dhaqe,, ina Murjin-Madoobe, Ciise Kayd, shaydaan Habaar, Ina Guuleed gaboobe, kii yaraa ee ina dhabeeye dhalay, ina maama-malyuun, ina caga-weyne, ha yaabin muwaadin, waxa weliba jira qaar noocaasi u shirt tegayaane, sidda Ramaax Salhraan, Daamur, Ibrahim Mahdi Buubaa, Dr khal-khal.

 

Waxa hore loo yidhi " Labadda caydhinka wax ku qayb-sadaa, bisaylkay isku dilaane"  Waxa afka gacanta saaray, oo makara-foonka ka daba-qaatay Askariggii waalaa ee " Raggii ma adigaa ka hadhay " Kii u gawracay raqadda uu hadeer ku fadhiyo * Somalilande) Askariga madhani ee sare ku yaalaa, waa biidhi-qaatahii u ahaan jirey Gudoomiyaha " Komishan ku sheegii doorashadda" Ee hore, waa ka la yidhaaho Mr Iimaan ( oo runtii Iimaan la') Maxaan u cunaa uun ah. Kaas oo dhawr Milan ku qaatay is dhaaginta doorashaddii uu u booby. Waxa si cad isna uga hadlay arinta boobka doorashaddii nin la yidhaaho " Haad Geed Waayey" Waa kaad ina Xaashi u taqaanaane. Oo si buuxdda u qeexay in bookable doorashadda " Awood dawladeed loogu boobay Askariga" Aan dib ugu soo noqdee Kaas u booby doorashadda ( Waa Iimaane). Wuxu askarta jaahi-liinta ahi ( waa raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-shaaximane), ay nin-kaas ugu abaal gudeen in ay ka dhigaan " Wasiir ku sheega beeraha" Isaga oo wax uu beero ka yaqaanaa aanay haba-yaraatee. Intaas dabadeed maxaa dhacay ee saaka la isku hayaa waa this xaaraanta iyo boobka heshiiska lagu ahaaye, bal halkan hoose ka akhri adoo degen halka imika xaalku ka maraayo iyo waxa soo kala dhex gala.

 

Iimaan wixii loogu bakan qaaday buu cirka ka eegay,waana nin hunguri weyn oo wax deeqaa aanay jirin, askarigga " Raggii ma adiga ka hadhay-na" isna waa ogta-hiin in uu yahay shakhsi daciif ah, ilayn waa wax gaajo,silic,cuqdad beeleed ku soo korey oo ay ku beertay milil iyo malax dhaamisay meel kasta oo jidh-kiisa ka mid ah, oo waa qof-kaas buka, misana iska buuxiyey Mar hadaad mididda daab-keedda hayso, wax walba adigaa iska leh, ilayn waa maskaxddii aynu ogayn weeyee. MR iimaan wuxuu hayaa siro aaf u khatar ah, oo is lahaa wax Wasiirnimo ka badan baad ku helaysaa,haduu kashifo-na ay meeshu isku qarxayso. Markii uu waayey wixii uu filaayey waa kaas yidhi " Waaba tii oo lax Qalatay" Isaga oo kashifay in ay meeshu isku dhalaashay, wax yaalaana aanay jirin, wuxu  yidhi, wax aanu hello daayoo Waxa nagu dhacay in daalac la ii raaco:-



(1) Mushahaaraddii nalaka jaro, iyadda oo la la'yahay wax laascaanood ciidanka lagu dagaal geliyo, maxay-se mushahaaro ka tari doontaa?


(2) Dekeddii Berbera oo laga Wareegay, oo waxa yar ee ka soo baxaana ay galaan qoyska askariga oo qudha.


,(3) Wajaale oo isna maamulka DDS ee itoobiya xidheen, oo wax ka soo galaa aanay jirin hadeer.


(4) Suuqii Waaheen oo isna gubtay wax dakhli ahina aanay maamulka askariga ka soo gelin, tii lagu caawiyey-na uu askarigu meeleeyey.


Akhristaw arimahaas iyo qaar kaloo badan, baa soo if-baxay' kuwaas oo la qarinaayey, kuwii Ururu ku sheega ahaa oo iyana beentii loo bsheegay, ee la yidhi lacag baa la idin siinayaa waayey, oo iyana afka gacanta saaray. Waxan ku soo xidhay maqaalkan, wax yaabo badan baa soo socdda, oo uu ka mid yahay Mr Iimaan oo la bedello iyo siro kale oo uu sii faafiyo, ee ha sugi waayina.


* N.B Labadda Caydhinka Ku Qayb-Sadaa, Bisaylka Iskuna cawryaan.

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...