FIB-da Oo Xidhay Nin Dusiyay Sir Uu Mareykanka Ku Ceeboobay.

0
Friday April 14, 2023 - 09:16:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FIB-da Oo Xidhay Nin Dusiyay Sir Uu Mareykanka Ku Ceeboobay.

    "Arrintan ayaa yaxyax ku noqotay Washinton, oo wajiga siin weysay xulufadeeda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arrintan ayaa yaxyax ku noqotay Washinton, oo wajiga siin weysay xulufadeeda"


 


Hey’adda Danbi-baarista Mareykanka ee loo soo gaabsho FBI ayaa Khamiista maanta ah xirtay, xubin ka tirsan ciidanka cirka Mareykanka, kaas oo looga shakisanyahay inuu bixiyay dukumintiyo sir ahaa oo fadeexo ku noqday Mareykanka.

 

Dukumintiyada loo dusiyay baraha bulshada kaddibna ay soo xigteen Warbaahinta caalamiga ah ayaa gaaray 50, halka wararka qaar ay sheegayaan in ay gaari karaan 100.

 

Qaar ka mid ah kuwa ugu xasaasisan ayaa si faah-faahsan xoogga u saaray awoodaha millatariga Ukraine, meelaha ay daciifka ka yihiin iyo xogo kale oo ku saabsan Mareykanka iyo xulufadiisa.

 

Arrintan ayaa yaxyax ku noqotay Washinton, oo wajiga siin weysay xulufadeeda daafaha caalamka.

 

Xoghayaha Waaxda Caddaaladda Mareykanka Merrick Garland ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqay xariga nin ka tirsan ciidanka cirka qeybtiisa ilaalada qaranka.

 

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Jack Teixeira. Saraakiil ka tirsan FBI ayaa kasoo xiray magaalada North Dighton ee gobolka Massachusetts.

 

VOA


Loading...
Loading...