Shiinaha Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Masuul Maraykan Ah Oo Booqday Taiwan

0
Friday April 14, 2023 - 09:11:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Masuul Maraykan Ah Oo Booqday Taiwan

    "Shiinaha ayaa u arka dawladda dimoqraadiga ah ee Taiwan inay ka mid tahay dhulkeeda,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shiinaha ayaa u arka dawladda dimoqraadiga ah ee Taiwan inay ka mid tahay dhulkeeda,"



Wasaaradda arrimaha debedda ee Shiinaha ayaa Khamiistii sheegtay inay cunaqabatay ku soo rogtay guddoomiyaha guddida arrimaha debedda ee aqalka wakiillada ee Maraykanka Michael McCaul, ka dib markii uu booqday jaziiradda Taiwan, iyada oo ku eedaysay inuu diray "fariin halis ah oo khaldan oo ku saabsan madaxbanaanida Taiwan".

 

Shiinaha ayaa u arka dawladda dimoqraadiga ah ee Taiwan inay ka mid tahay dhulkeeda, waxayna si weyn uga soo horjeedda nooc kasta oo xidhiidh heerkiisu sarreeyo ah oo dalalka caalamku la yeeshaan Taiwan, gaar ahaan madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen.

 

Michael McCaul ayaa booqday caasimadda Taiwan ee Taipei toddobaadkii hore, isaga oo la kulmay madaxweynaha Taiwan, wuxuuna ballanqaaday taageerada tababar loo fidiyo ciidamada Taiwan iyo in la dedejiyo in dalkaas la siiyo hub.

 

Wasaaradda arrimaha debedda ee Shiinaha ayaa sheegtay in McCaul inuu marar kala duwan farogeliyey arrimaha gudaha ee Shiinaha, isaga oo jeedinaya hadalo ama qaadaya tallaabooyin wax u dhimaya danaha Shiinaha.

 

Sida uu dhigayo sharciga lagu dhaqo dadka lagu soo rogo cunaqabataynta Shiinaha, McCaul ayaan loo ogolaan doonin inuu cag dhigo Shiinaha, isla markaana inuu xidhiidh la sameeyo ururada iyo shakhsiyaadka Shiinaha, sidoo kale waxaa la xannibay dhammaan hantida ka taalla Shiinaha.

 

VOA


Loading...
Loading...