Hargaysa: Hooyo Uurle Oo Musqul La Duntay Ku Geeriyootay

0
Thursday April 13, 2023 - 13:40:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa: Hooyo Uurle Oo Musqul La Duntay Ku Geeriyootay

    "Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib Meydka ku wareejiyay C.I.D da."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib Meydka ku wareejiyay C.I.D da."



 

Hargeysa (HWN) Alle haw naxariistee hooyo 7 caruura haysatay xaamilana ahayd laguna magacaabi Jiray  Samiira Maxamed Cabdiraxmaan ayaa abaaro 2:00 habeenimo ku geeriyootay Musqul la duntay, siday ay sheegeen ciidanka dabdamiska Hargaysi.

 

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa markii Qaylo dhaantaa la soo gaadhsiiyay si degdega ayuu ciidanku u gaadhay goobtaas, waxaana maydka uu ka soo saaray Musqusha.Gabadha ayaa Quustay musqusha oo buuxday, sidoo kale waxaa iyaduna ku duntay sagbadii.

 

Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib Meydka ku wareejiyay ciidanka Dambi baadhista ee CID da.

 

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu ku wacyigelinayaa bulshada inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay. Ayaa lagu yidhi qoraal uu baahiyay ciidanka Dabdamiska Hargaysi

 

990 Gurmadka degdega ah



Loading...
Loading...