Maxaa Ka Soo Kordhay Dagaalkii U Dhaxeeyay Maleeshiyaadka Amxaarada Iyo Ciiidamada Dowladda?

0
Thursday April 13, 2023 - 09:20:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Soo Kordhay Dagaalkii U Dhaxeeyay Maleeshiyaadka Amxaarada Iyo Ciiidamada Dowladda?

    "Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa ka digay in amni darrada ka sii daraysa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa ka digay in amni darrada ka sii daraysa"


 

Hay’adda ilaalinta xuquuqda ee dawladda Itoobiya ayaa ku baaqday in baaritaanno lagu sameeyo dilka dadka rayidka ah iyo shaqaalaha bini’aadantinimada ee ay geysteen ciidamada ammaanka iyo "shakhsiyaad kale oo aan la garanayn” intii ay socdeen mudaaharaadyada gobolka Axmaarada ee Itoobiya.

 

Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa ka digay in amni darrada ka sii daraysa ay khatar ku keeni karto xuquuqul insaanka iyada oo intaas ku dartay in ciidamada ammaanku ay ka waantoobaan adeegsiga awoodda xad-dhaafka ah.

 

Mudaaharaadyada ka socda gobolka Axmaarada ayaa billowday todobaadkii hore kuwaas oo looga soo horjeedo talaabadii ay qaadeen mas'uuliyiinta federaalka ee lagu kala dirayay cutubyo ka tirsan ciidamada gobolka. Dawladdu waxay sheegtay in cutubkan lagu biirin doono ciidamada ama booliiska si loo abuuro ciidan midaysan balse kuwa ka soo horjeeda ayaa ku doodaya in kala diristooda ay gobolka ka dhigi karto mid weeraro u nugul.

 

Qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee gobolka ayaa u muuqday kuwo si caadi ah ku soo laabtay galabnimadii Arbacada ka dib maalmo mudaaharaadyo ay albaabada u laabeen goobaha ganacsiga iyo xafiisyada.

 

Mid ka mid ah dadka ku nool magaalo madaxda gobolka ee Bahirdar ayaa BBC u sheegay in hakinta mudaaharaadyada ay la xiriirto munaasabadda Easter-ka Itoobiya ee loo dabbaal-degayo Axadda soo socota

 

BBC


Loading...
Loading...