Cudur Laga Qaado Shimbiraha Oo Dhif Iyo Naadir Ah Oo Laga Helay Shiinaha
Haweeneey u dhalatay
Shiinaha ayaa noqotay aadanihi ugu horreeyay oo u dhinta nuuc cusub oo ka mid
ah hargabka ku dhaca shimbiraha, kaas oo ay WHO ugu magac-dartay H3N8.
Laanta Caafimaadka
Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurkaan dhif iyo naadirka ah lagu arkay
Shiinaha, hase yeeshee uu u muuqdo mid aanan ku dhex faafeyn dadka.
Haweeneyda u dhimatay
xanuunkan ayaa aheyd 56-jir kasoo jeedda gobolka Guangdong ee koofurta
Shiinaha. Waxay aheyd qofki saddexaad ee laga helay cudur-sidaha H3N8. Sidaasi
waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay WHO.
Kiisaska ayaa
dhammaantood ku kooban Shiinaha, iyadoo horayna loo soo gudbiyay kiisaska
labada ah. Xarunta dhexe ee Xakameynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Guangdong ma
bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan daruufaha ku xeeran dhimashada
haweeneyda.
Shiinaha waxa uu caan
ku yahay cudurrada laga qaado shimbiraha. Sida ay wararku sheegayaan,
haweeneyda u dhimatay xanuunkaan ayaa booqatay suuq lagu iibiyo shimbiraha oo
ah suuq qoyan.
Feyraska H3N8 ayaa ah
mid ku badan shimbiraha, ma ahan cudur bixiyo calaamado muujinaya xanuunka.
Sidoo kale waxa ay shimbiruhu qaadsiin karaan xayawaanka kale.
VOA