Cuntooyinka Kaa Caawin Kara Korriinka Timaha

0
Thursday April 13, 2023 - 09:00:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cuntooyinka Kaa Caawin Kara Korriinka Timaha

    "Sidoo kale timaha oo daata waxaa sababaa xanuunada ka dhasha hormoonada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale timaha oo daata waxaa sababaa xanuunada ka dhasha hormoonada"

 

 


Timaha banii'aadanka waxay ka kooban yihiin borootiin la yiraahdo Keratin kasoo sidoo kale qaabilsan korriinka cidiyaha iyo maqaarka jirka.

 

Timaha waxaa sidoo kamid ah qeybta u xilsaaran kalarka ,qeybta difaaca iyo sidoo kale qeybta hoose ee qaabilsan tamarta ay u baahan yihiin timaha.

 

Dhammaanteen waxaan naga go'aa timaha si dabiici ah maalin kasta marka aan shanleyno ama dhaqeyno iyo ilaa inta cusub ay nooga soo baxayaan isla inta naga go'day, si kastaba haddii timaha naga go'ayo ay ka badan yihiin kuwa inoo soo baxaya markaa waxaa dhici kartaa in qofka uu timo la'aan noqdo ama timaha ay jilcaan.

 

Arrimo dhowr ah ayaa saameeya korriinka timaha kuwaas oo horseeda in timaha ay si kumeel gaar ah u daataan ama horseeda in qofka ay gasho bidaar, waxaana kamid ah isticmaalka dawooyinka qaar sida kuwa kimikada ah iyo sunta Nicotine.

 

Sidoo kale timaha oo daata waxaa sababaa xanuunada ka dhasha hormoonada, cudurka tayroodka ama qumanka, welwelka iyo nafaqo la'aan.

 

Cuntooyinka qaabilsan korriinka timaha

Maadaama ay timuhu ka samaysan yihiin borotiin, qofka waa in uu qaataa cuntooyinka leh borotiin-ka, waxayna kaalin weyn ka qaataan korriinka timaha gaar ahaan timo xooggan oo caafimaad leh.

 

Haddii aadan cunin borotiin kugu filan, timahaagu waxay u badan tahay inay jilcaan oo ay daataan, Cuntooyinka uu ku yar yahay borotiinka waxay keeni karaan korriinka timaha oo xaddidan iyo xitaa waxay qarka u saaran yihiin inay timaha daataan.

 

Cuntooyinka leh borotiin-ka waxaa kamid ah kalluunka, hilibka digaagta, lawska iyo digirta qaar.

 

Cuntooyinka leh maadada Iron

Iron waa macdan muhiim u ah korriinka timaha, qofka ay ka maqan tahay maadadan waxaa ka daataa timaha.

 

Cuntooyinka laga helo maadada Iron waxaa ka mid ah: hilibka caadiga ah, digaagta, kalluunka, khudaarta cagaaran gaar ahaan noocyada kala ah, ansalaatada iyo isbinaajka.

 

Fiitaamin C

Waxaa wanaagsan in Fiitaamiin C lala qaato cuntooyinka kale ee leh macdanta Iron, Fiitaamiin C waxay naga caawisaa in jirkeena uu soo saaro maadada collagen ee xoojisa xiddida qaabilsan korrinka timaha.

 

Cuntooyinka ay ku badan yihiin Fiitaamiin C waxaa kamid ah, miraha sida blackcurrants, canabka, liin macaanta, baraadhada, seytuunta, babaayga iyo miraha loo yaqaanno Kiwi.

 

Fiitaamiin A

Fiitamiin A waxa u baahan jirkeena si uu u sameeyo maadada Sebum oo qaabilsan jilicsanaanta iyo ka hortagga agoolka.

 

Waxaana kamid ah cuntooyinka Fiitaamiin A leh, karooto, bocorka, baraadhada iyo khudaarta kale.

 

Maadada Zinc

Maadada Zinc waxay ka hortagtaa agoolka iyo timaha oo daata.

 

Cuntooyinka leh Zinc waxaa kamid ah, hilibka lo'da, Ukunta iyo galleyda.

 

Fiitaamiin E

Qorraxdu waxay dhaawici kartaa timaheena sida ay u dhaawici karto maqaarkeena markaa hubi inaad cuntid cuntooyinka ay ku badan yihiin fitamiin E si aad u ilaaliso timahaaga, waxaa kamid ah cuntooyinka leh Fiitaamiin C, lowska.

 

Biotin

Biotin waa fiitamiin B-ga ku milma biyaha, qofka ay ku yar tahay maadada Biotin waxaa dhacdaa in qofka timahiisu ay daataan ama jilcaan, cuntooyinka hodanka ku ah Biotin waxaa kamid ah, haruurka, beer, ukunta, iyo nooc kamid ah burka.

 

BBC


Loading...
Loading...