Ergayga Gaarka Ah Ee Arimaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Danjiraha Maraykanka Ee Somaliya Fadhiya

0
Wednesday April 12, 2023 - 20:41:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergayga Gaarka Ah Ee Arimaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Danjiraha Maraykanka Ee Somaliya Fadhiya

    "waxaana uu Danjiraha u muujiyay taageero iyo garab istaag"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaana uu Danjiraha u muujiyay taageero iyo garab istaag"



Hargaysa (HWN) Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland uu umagacaabay Madaxwaynaha Somaliya Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta khadka taleefanka waxaa ay kuwada xidhiidheen Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre,  kulankaasi Ayaan laga wada hadlay arimaha Somaliland iyo Somaliya, sida lagu sheegay qoraal kulankaasi ku saabsan oo uu baahiyay Cabdikariim Xuseen Guuleed.

 

"Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta qadka taleefanka waxaa ay kuwada xariireyn Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre,  kaas oo ay Isla gorfeeyeen ahmiyadda iyo xoojinta Wadahadallada Somaliland.

 

Ergeyga ayaa Danjiraha uga warxiyay shaqooyinka culus ee horyaala iyo qorshayaasha Xafiiskiisa, waxaana uu Danjiraha u muujiyay taageero iyo garab istaag, asagoona tilmaamay in Dowladd USA ay ka go'an tahay ka mirra-dhallinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somalilan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka

 

Ergaygan ayaa intii la magacaabay bilaabay kulamo uu la yeeshay masuuliyiin kala duwan oo uu kujiro Madaxwaynaha Jabuuti


Loading...
Loading...