Markii lay sixray.

0
Wednesday April 12, 2023 - 17:42:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markii lay sixray.

    Waxa Qorey :- maxamed turki oo sheekadu ku dhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Qorey :- maxamed turki oo sheekadu ku dhacday.


Waxaan daawaday muuqaal dad nin sixiroole ah uu baadhay intuu sixray, ninkaas oo hada Boolisku gacanta ku hayaan.

 

Waxay isoo xasuusisay qiso igu dhacday 2017. Waxaanan jeclaystay in aan idinla wadaago.

 

2017 bilawgiisii Waxaan ka shaqaynayay meherad iibisa qalabka Electronic-ga oo kutaala magaalada Burco gaar ahaan kasoo horjeedka masjidka uu dhisay Badhabadha. Galab aniga iyo saaxiibkay Saleebaan Cismaan Maxamed oo dhex fadhina meherada waxaa noosoo galay nin degdeg ka muuqdo oo telefoon ku hadlaya xiligu waa bacdal casar ninkii wuxuu iwaydiiyay qiimaha telefoonada Waan usheegay inta uu ihortaaganyahay ee uu wax iwaydiinayo telefoon ayuu ku hadlayaa oo qofbuu hagayaa oo meherada u tilmaamayaa. Kolkii aan qiimaha telephone-nada usheegay wuxuu igu yidhi "nin dhalinyaro ah baad tahay oo abti tudhaalaad iiga baahantahaye telefoon kaa iisoo qabo qiimihiisa iisheeg” waan soo qabtay waxaan ku idhi waa $190 wuxuu igu yidhi "$210 ayaan kusiinayaa hadii aad wax igu yeelatana waad iga daynaysaa” waxaa ku idhi telefoon ku waa $190. "Waa caadi ayuu idhi ee $210 ayaan kusiinayaa wixii kalena waad iga dayn hoo bacdan telefoon ka hayga tijaabin bacdaa iigu rid laba kaakuleetarna iigu dar” wuxuu iidhiibay bac madaw oo duuduuban kadibna wuu baxay wuxuu iyidhi lacagtaan gaadhi halkan taagan kaagasoo qaadayaa. Waxaan sooqaaday Mobile kii Waan tijaabiyay kadibna waxaan kuriday bacdii uu iidhiibay saga iyo labadii kaakuleetar. Waxaan saaray miis Xaga danbe ee meherada yaalay. Saaxiibkay Saleebaan ayaa igu yidhi ninka Waan ka shakiyay. Inyar markaan joognay ayaan meherada kidinkeeda istaagay oo eegay in uu soosocdo saa meelna kamasoo muuqdo. Waxaan goaansaday in mobile-kii aan kasoo saaro bacdii aan kuriday oon kudaro mobile-lada iibka ah maadaama uu soo noqon waayay waxaan furay bacdii saa Moobilba kumajiro kaagadarane baytarigii Moobilka oo aan markii hore galiyay iyo jaajarkii iyo labadii kaakuleetar bacdiibay kujiraan. Yaah iyo naxdin maxaa dhacay ayaanu iswaydiinay maskaxda ayaanu dib ucelinay oo xasuusta dib u eegnay oo isugu makhraati furnay in Moobilka aan bacda kuriday. Waanu garawsanay ninku in uu sixiroole ahaa. Waxaan wacay abtigay Ismaaciil Cumar Calawaash oo aan usheegay waxa dhacay wuu noo yimi. Waxaa kaloo xusid mudan in gabadhi ay albaabka soo fadhiisatay ninkii sixirawga ahaa markuu saas nooga baxay gabadhu kolka aanu sheekada ka sheekaynayno way dhoola cadaynasaa oo kolba way nasoo eegaysaa. Kolkii abtigay ismaaciil nooyimi ayaanu Moobiladii kale iyo Kaambuyuutaradii meesha yaalay tirinay waanu aragnay in ay dhanyihiin kolka laga reebo moobilkaa sixirooluhu qaatay. Habeen ayay noqotay gabadhiina wali meeshii ayay fadhidaa goor 8:40Pm habeenimo ay tahay ayaanu meradii xidhnay waxaanu utagnay Abtigay Axmed Muumin oo meel aan naga fogayn Supermarkt ku haysta sheekadii ayaanu uga sheekaynay saga iyo dhalinyardii lashaqaynaysay waanu cawaynay kadib waanu isisoo raacnay aniga Saaxiibkay Saleebaan iyo labadaydii abti waxaanu kusoo noqonay meheradii oo wali gabadhii hor fadhido abtigay Axmed Muumin ayaanu tusnay bacdii ninku uu noodhiibay oo aanu casarkii meherada horteeda ku tuurnay wuu qaaday kadib quraan ku akhriyay kolkii uu saa bacda uqaaday ayay gabadhii kacday markii uu quraankii bilaabayna sidii qof talaabo dheerayn iyo ruclo orad isku daraya ayay u dhaqaaqday oo way carartay markii ay naga libidhay ayaanu iswaydiinay gabadhu maxay ahay ilaa galabta meesha way fadhiday markaa ay gabadhu cararayso waa 11:30 Habeenimo hal meheradi ma funa. Intayadii wada socotay waanu iska kala carawnay. Subixii kolkii waagu baryay ayaan sidii caadiga ahay meheradii imi oon furay gabadh ayaa iisoo gashay Moobil iib ah doonaysa Waxaan si idhi moobilkii usoo qabo kartoonkii ay ku jireen noocyada moobilka ay doonayso ayaan is idhi uga soosaar saa saa bogos kastoo aan soo qabto waxaa meesha kujira Baytarigii jaajarkii iyo eerifoonadii Moobilkiina wuu maqanyahay markii tiraba ilaa 3 bogos aan sooqabtay ayaan dareemay in wax qaldanyihiin kadibna intaan iska daayay katoonkii waynaayee moobiladu kujireen ayaan khaanad danbe oo aan ku ogaa moobil ah nooca gabadhu ay doonayso is idhi uga soo saar saa saguna waa lamid oo khaanadii waxaa ku jira kaliya baytarigii jaajarkii iyo eerifoonadii markaas ayaan xaqiiqsaday in wax wayni qaldanyihiin gabadhii ayaan ku idhi walaal moobiladaasi way iga dhamaadeen gabadhii way iska tagtay ana naxdin iyo yaabaa , albaabkii ayaan soo xidhay aayad kursida ayaan akhristay kadibna karaatoontii boobiladu ku jireen iyo alaabtii kale ayaan eegay saa way yaalaan marka laga reebo afartii moobil ee aan waayay intii gabadhu ila joogtay. Waan soo waysaystay laba rakcadood baan tukaday meheradii ayaan iska furtay Waan iska shaqaystay duhurkii ayaan meheradii xidhay oo karawaxay casarkii kolkii aan dib ufuray ayuunbaan is idhi bal moobiladii tiri saa bogoskaan Kor uqaadaba waxaa ku jira baytarigii jaajarkii iyo eerifoonadii oo kaliya oo moobilkii wuu maqanyahay Waan naxay oo wareeray. Albaabadii ayaan soo xidhay talaa igu cadaatay Abaahay ayaan wacay oo qisada ihaysata usheegay. Aabahay markaa wuxuu joogay Hargaysa wuxuu igu yidhi meherada iska xidh adna adkaarta akhriso ilaa aan kuu imaadana hafurin sidii baan yeelay, waxaan la hadlay ninkii meherada lahaa waxaa usheegay in hawli igu timi oo aanan ilaa bari shaqada imaan karin meheduna ay xidhnaanayso. Aabahay wuu kasoo baxay Hargaysa wuu ii yimi aabahay waa nin Culimo ah. Markii uu yimi waanu isisoo raacnay meheradii ayaanu nimi aabay aayadaha sixirka iyo quraan ayuu meheradii ku akhriyay alaabtii ayaanu dib u eegnay waxaa naga naqnaaday 13 Moobil oo kuwii ugu qaalisanyee yaalay meherada ah. Aabahay Waxaan usheegay in lacagta Moobiladaa aan anigu iska bixinayo ninka meherada lehna aanan waxba usheegayn. Lacagtii moobilada qayb ahaan ayaan bixiyay oo aan ku diray number kii meherada qaybtii kalena aabahay ayaa bixiyay aniguna sidii ayaan shaqdii kaga tagay oo aan ku fasaxay.

Wabilaahi tawdiiq


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...