Dagaal Dhexmaray Ciidamada Dowladda Dhexe Iyo Maleeshiyaadka Amxaarada

0
Wednesday April 12, 2023 - 14:36:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Dhexmaray Ciidamada Dowladda Dhexe Iyo Maleeshiyaadka Amxaarada

    "Iska horimaadka magaalada Debre-birhan ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihi u dambeeyey"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Iska horimaadka magaalada Debre-birhan ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihi u dambeeyey"



 

Shacabka ku nool magaalada Dabre-birhaan ee deegaanka Amxaarada ayaa BBC-da u sheegay iney gudaha magaalada ku dagaallameen ciidamada dowladda dhexe iyo maleeshiyaadka Amxaarada oo magaaladaasi ku sugan.

 

Ciidamada Federaalka waxaa dagaal kala hor yimid ciidamada isugu jira booliska gaarka ah ee deegaanka Amxaarada iyo maleeshiyada Faano.

 

Shaqsiyaadka BBC u warramay oo arrima amni awgeed magacooda u qariyey waxay sheegeen dagaal xooggan inuu labada dhinac magaalada ku dhex maray ugu yaraan laba qofna ay dagaalkaasi ku dhinteen.

 

Maleeshiyaadka ciidamada qalabka sida ee dowladda dhexe la dagaallamay ayaa ka soo horjeeda qorshaha dowladda dowladda dhexe ay shaacisay oo lagu kala dirayo booliska gaarka iyo maleeshiyaadka Fano uu deegaanka Amxaarada leeyahay.

 

Iska horimaadka magaalada Debre-birhan ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihi u dambeeyey mudaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeeda qorshaha dowladda dhexe ay ciidamada deegaannada ku kala direyso.

 

BBC


Loading...
Loading...