Mareykanka Iyo Sacuudiga Oo Ka Wadahadlay Colaadda Yemen
Aqalka Cad ayaa sheegay
in la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan uu la hadlay
dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Talaadadii, waxayna ka wadahadleen
Iran iyo tallaabooyinka lagu soo afjarayo dagaalka Yemen.
Baaqan ayaa yimid kadib
markii dhawaan Beijing ay heshiis kusoo celisay xiriirka Sacuudiga iyo Iran oo
ah quwadda gobolka ugu weyn ee Bariga Dhexe, iyada oo heshiiskaas uu ahaa mid
aan laga qeybgelin Mareykanka.
Wasiirrada arrimaha
dibadda Iran iyo Sacuudiga ayaa toddobaadkii hore ku kulmay magaalada Beijing
kadib markii ay ku heshiiyeen inay soo afjaraan khilaafkii diblomaasiyadeed ee
u dhaxeeyay kadib sanado badan oo cadaawad ah oo sii hurisay colaadaha ka
taagan bariga dhexe.
"Mr Sullivan iyo
dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan waxay sidoo kale ka wadahadleen
isbeddello ballaaran oo ku wajahan hoos u dhaca gobolka, iyagoo hoosta ka
xarriiqay baahida loo qabo in laga hortago hanjabaadaha Iran iyo meelo
kale," ayuu Aqalka Cad bayaan uu soo saaray goor dambe oo Talaadadii ku
sheegay.
Sacuudi Carabiya iyo
Iran, oo ah quwadaha ugu awoodda badan Muslimiinta Suniyiinta iyo Shiicada,
waxay sheegeen inay billaabayaan qabanqaabada dib loogu furayo safaaradaha iyo
qunsuliyadaha muddada labada bilood ah ee ku qeexan heshiiskooda Shiinaha.