Waaliddii Oo Is-Kashiftay ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday April 11, 2023 - 14:07:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waaliddii Oo Is-Kashiftay ( Abdi-Shotaly).

    Waxaad Waalif-toon Wad Kaa Celin, Ka Waantoobey Waa War Loo Noqon!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaad Waalif-toon Wad Kaa Celin, Ka Waantoobey Waa War Loo Noqon!



 

"Maxamed Cali Maaya-khali Meherato" Waa ereyo inoo tibaaxaaya,qofna in aanu wuxu yahay mooyee, aanu wax kale iska dhigi karin, oo aanu is yeel-yeeli karin, in kasta oo aad is tidhaaho is qari,waxa kugu soo neef-sanaaya wixii aad ahayd, sidda labadda Askari oo waaliddii iyo doqonima-dooddii ay debedda u soo if-baxday. Waxan Askarta leeyahay tallo xumaan-tiina iyo waalidiina aan biyo is marini" Haddii aad idinku isku dirteen, iskuna jebiseen Isaaq, Daarood wuu is ilaasha-nayaa" Ee waalidiinu meel ha idin geyso. Hore Bay Somalidu u tidhi bahasha la yidhaaho waalidu Markay xadh-kaha goosato, ee meel ay qabsato weydo, cirka iyo dhul-kaba laga loogo googooyo, aakhirka Iyadaa isu dhamaysa oo isku Soo guryo noqota, waxana hella wax badhidda dhulka ugu dhifta,oo ku yidhaaha hadaad waaliyey aad wax is biday " Waa lagaa horeeyaa" Soo deg oo cago dhigo, anaka baa ku baro dheere. Waxay Mar kale somalidu murti ku tidhi " Qof is waallaba waabiyaa Hella" oo micna-heedu yahay, haadad wax aan la qaban Karin ama wax is Mooday, wax jira dad kaa sii daran, oo khasab basar iyo edaab kuugu sameeya. Mar kale qofka loo taag waayo, laga-la quusto waano iyo wax u sheeg, ee isu haysta in uu keliggii quman yahay,laakiin madhan sidda labadda Askari ee ka amar-ku-taagleeya " Xaafad-Tooyadda Hargeysa" kolay-kay ka yaabaan shakhsi-gaas ay sheegayaan af-caashiisa iyo qaabka uu dhaqmo, in ay tahay wax dib dambe uu ruuxaasi u qoomamayn doono, baa waxay ugu maah-maahaan " Geellaw soco-soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaa" Ujeedka murti-dani waxay tahay, " Qof-yahaw maalin baa jiri doontaa aad wad-kaagga caga-haagga ku doonan doontid" Waana ta haysta maanta maamulkii labaddii Askari ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximan" Ee uu wad-kooddii ku yidhi " Dhulbahante  faraha la galla" Halkaana ay " Ciin ku daaqeen" Si wacan-seloo kibir-jebiyey. Waa Illaahay mahadiiye.

 

Waxa la yidhi " Waxaad waaliftoo wad kaa celin, ka waantoobey waa war loo noqon" ina Cabdi damper( Askarigu) waa kaynu ogayn uun, ma dib baa loo abuurayaa " Inkastuu dur-dur iyo dabaal Doofaar Abdikii Ma daahiro, oo isma doorsho weliggii" Maah-maah kale oo la nooc ah kuwaas sare ku yaala, baa iyana ina faraysa " Wan weyni ilaa la gawraco, indhi-hiisu circa ma arkaan" Allay lehe imika bay si wanaagsan Indhaha loogu fiiqay oo ay cirkii arkeen, waxay is ka dhego maraan-ba labadda Askari. Akhristaw welli waxa aynu ku gudda jirnaa arimaha uu cinwaanka maqaalku ka hadlaayo'e. Waxa iyana jirta xikmad Carbeed oo ku taalay buuggii la odhan jirey " Calaa-Wadiin"  Taas oo odhanaysa " Man-lam yu'adib waalidahu, adabahu laylu wa nahaar" Wax micnuhu yahay " qofka ay Edbin kari waayaan waalidkii, habeenka iyo maalinta baa edbiya ama deris u dhiga. Labaddii Askari ee baarka fidhay " Dhulbahante baa deris u dhigay lama ilaawaan ah. Xikmad kale oo Carbeed baa iyana ah " Man dakhala fiimaalaa-yacniihi, laqiya maalaa yardiihi"  oo murtidda ku jirtaa ay tahay " Qofka dhex gala wax aanay Dani ugu jirin, wax aanu raali ka ahayn buu kala kulmaa" Taasina waa ta keentay fuduushii loogu qaaday dagaalka Dhulbahante, ay jab iyo halaag kala kulmaan maamulka ku jira guriggii moorgan,hadeer-na ay farta dhexdda ka qaniin, leeyihiin maxaa idiin geeyey. Markii ay Ku dhamaadeen deyday-ggii ay ku sheegi jireen ciidanka, kuwaas oo musha-haaro lagu qaadan jirey 19000 Askari, laakiin-se aanay wax-ba ka jirin, intii yarayd ee dadka la tusi jirey-na uu Dhulbahante cagta mariyey. Odhaah baa waxay ahayd : Faruuraw maxaa Berbera ku geeyey?" Oo uu Ku faduul. Marka la Soo koobo,ee aad dhan kaste ka eegtid, Waa waxa noocaas ah ficiladda ay ku kacdaa waalidu iyo weliba farsama-mooyinka ay u shaqaysaa iyo wax qabad-keedu waali wax xukuntay.

 

Waaliddii labadda Askari uu madax madhani dul saaraanaa, baa iyadoon meel kale-ba looga imanin, iyaddii laf-teeddii is-kashiftay.Waxa kaloo la yidhi " Habar dali weyday alleello ku waalataye" Markii askartii kaadi-dooddii kalax loogu shubay, hoog iyo halaag ku habsaday, habqan-kooddii meel walba galeen, qaar-na ay ka carareena mayd-kooddii oo ay ka dhergeen habar-dugaag, ciidan ku sheeggii ay wateen la dabar jarey, bay hadeer ku waasheen " Tolaay Yaa Isaaqay" Bal-se aan is weydiino'e, halkuu joogaa Isaaqa sidaas lagu dagaal gelinayaa ee wadda socdaa, miyaanu ahayn kuwa lagu sheegaayo " Cadawga Gudaha" Qaar-na la leeyahay " Xuquuq dheeraad" Ah baa leedihiin ee hantiddii ummadda, iyaka gaarka loogu xidhay dheef iyo dheecaan-ba. Kaaga sii daran, horaa loo yidhi " Markay kadantay Alle taqaanaaye"  Hawiyaw na difaaca waxa la is ku keen yidhaahaa " Irir-Samaale" Taas oo ah been aanay wax ka jirin haba-yaraatee iyo Wax ay ku sheegaan Dir oo meel ay ka bilaabanto iyo ama ku dhamaato mid-na aan la aqoon. Hadaba bal Isaaqu doc ha isugu baydho, Socon mayso Mar waxanu ka soo jeednaa Carab, mar lagu sheego sheekha la sheegtaa  Yamani buu ahaa, marna Reer Binu Haashim oo ah dalka la yidhaaho " Joordaa ama Jordan, kole kale waxanu nahay Irir-Samaale oo asal-kooddii aanan aqoonin, Mar wax la yidhaaho Dir oo somalidda kale oo dhan, ah marka laga reebo Daarood. Sidda carsaan-yadda kolba dhinac ha isku qaadina'e, wax la qaadan karo la kaalaya, haddii weeye aad tihiin inta magaca Isaaq sheegata.



* N.B. Waxaad Waalif-toon Wad Kaa Celin, Ka Waantoobey Waa War Loo Noqon!

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...