Qodobada Lagaga Hadlay Kulan Muuse Biixi Maanta La Qaatay 10 Urur Siyaasadeed
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne
ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa
kulan ujeedadiisu ahayd xog-waran iyo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrinta laascaanood la yeeshay
tobanka urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka xisbiyada Qaranka Somaliland.
Ugu horayn Wasiirka
Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa
warbixin dheer ka bixiyey mar xaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaaladda
laascaanood.
Dhinaca Tobanka Urur
Siyaasadeed oo kala ah Urur siyaasadeedka Horsed, Urur siyaasadeedka Kaah, Urur
siyaasadeedka Ogaal, Urur siyaasadeedka Rejo, Urur siyaasadeedka Talo-wadaag,
Urur siyaasadeedka Mideeye, Urur siyaasadeedka Waaberi, Urur siyaasadeedka
Barwaaqo, Urur siyaasadeedka Hillaac iyo Urur Siyaaasadeedka Shacabka ayaa
madaxweynaha Qaranka Somaliland, uga mahadceliyey, sida degdega ah ee uu uga
aqbalay codsigoodii ahaa inay la kulmaan, iyagoo u soo jeediyeen xukuumadda uu
madaxweynuhu gadhwadeenka ka yahay tallooyin ku saabsan xal u helidda arrimaha
ka taagan Laascaanood.
Waxa kale oo ay xuseen
inay difaaca dalka ku barbar taagan yihiin dawladda, isla markaana tallaabo
kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka laascaanood oo
ay kala qayb-qaadanayaan Xukuumadda.
Ugu danbayntii
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga
mahadceliyey madaxda Ururada Siyaasadda dareenkooda muwaadinimo ee ay u
muujiyeen dalkooda iyo dadkooda, isla markaana waxa uu soo dhaweeyey
Madaxweynuhu tallooyinka lagu xoojinayo arrimaha xal u helida Laascaanood.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda
iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.