In lays Caawiyaa ma ceebaa mise waa Cibaado!?

0
Sunday April 09, 2023 - 11:50:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In lays Caawiyaa ma ceebaa mise waa Cibaado!?

    Baryahan waxaynu aragnaa dagaal laga dhex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baryahan waxaynu aragnaa dagaal laga dhex


In aad Caawiso Hooyadaa ama walaashaa Ama Xaaskaaga ma ceebaa mise waa Cibaado! Miyaanad Qur’aanka ku arag ayaad macnaheedu yahay.”isku kaashada samaha iyo Allah ka Cabsiga, oo haysku kaashanina danbiga iyo xad-gudubka.”

Miyaanad maqalka xadiithka (Suubaha NNKH) ay ka Warisay Caa’isha Allah haka Raali noqdee,markii la waydiiyay muxuu ka qaban jiray Suubanuhu Scw. Gurigaagiisa? "Waxa ay tidhi waxa uu ahaa mid ka shaqeeya Hawsha Gurigiisa.”


Marka la gaadho wakhtiga Salaada waxa uu u bixi jiray Masaajidka, in aad Caawiso Qof u baahan Caawimaad waxa aad ka helasaa wanaag hadaad awooddo haddii kale haku dhaliilin, waxaanu leenahay Hablaheena iyo Hooyooyinkeen waanu idiin og nahay Hawsha aad noo haysaan Allah hoygiina haka yeelo Janno.

FG: Baryahan waxaynu aragnaa dagaal laga dhex wado Ragga iyo Dumarka ah oo ah in ay isku yihiin Cadaw oo Raggiina loo bixiyay Magaca ah FAARAX Dumarkiina XALIIMO.

Faarax iyo Xaliimo waa magacyo Soomaaliyeed oo sharfan, mawduucaani maha mawduuc Soomaaliyeed iyo mid islaam toono ee waa hawlo kale oo moolo kale ka Yimi, ogow Afkaarta Qaldan dadka lagu Suuq geeyaa waa dadka maan Gaab ah.

Qalinkii /Mohamed Ashraf


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...